Somaliland: Murashaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Xubno Faysal Cali Waraabe Magacaabay Intii Khilaafku Jiray Oo Is Casilay.

Date:

Murashaxa Xisbiga UCID, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay xubno uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe magacaabay intii khilaafka Xisbigu taagna, sidoo kale Jamaal Cali Xuseen wuxuu ka hadlay xubno Xisbiga KULMIYE ammaahiyay Xisbiga UCID taas oo uu yidhi waa mid ku cusub nidaamka Axsaabta. Sidaana wuxuu ku sheegay Jamaal Cali Xuseen qoraal uu goor dhawayd ku baahiyay bartiisa Facebook-ga qoraalkaas oo u dhignaa sidan.

“Waxaan caawa maqlaayey dad la yidhi waxay iska casileen Xisbigga UCID ee gobolka Togdheer. Horta dadkani waa xubno uu magacaabay Faysal Cali Waraabe saddex bilood ka hor qaarkood sida aad ka arki kartaan warqadda uu ku magacaabay ee halkan ku lifaaqan. Waxaan arkaayey warar xaqiiqda ka fog oo Saxansaxo iyo Togaherer ay qoreen oo ahaa waxay dadkani ka tirsanaayeen garabkii New UCID.

Xaqiiqduna halkan ayaabay ku jirtaa; kolay markay arkeen dhinicii kale ayeey ku qanci waayeen oo ay ka dareereen. Dadku waa inay ogaadaan in ay jiraan xubno beryahii ugu danbeeyey intii khilaafka UCID oo uu xisbigga Kulmiye amaah ahaan ugu soo waaridaayey Faysal garabkiisa iyagoo filimka ku matalaayey in ay Faysal taageersan yihiin, laakiin runtii ah xubno loogu soo cumaamaday in ay kaalin xoog leh ka qaataan burburka xisbigga UCID oo uu qandaraaskeedda soo qaatay Faysal Cali Waraabe.

Anigu wada odhan maayo xubnaha is casilay Kulmiye ayeey ahaayeen; way dhici kartaa in xubno daacadda oo ka gaws adaygay hogaaminta Faysal ay iyagu ku jiraan xubnahaasi oo ka niyad jabay. Haddaba waxaanu taageerayaasha Xisbigga UCID halkan uga cadeeynaynaa in la sugaayo dhagaysigii dacwadda; khilaafkuna uu ku soo af jarmi doono maxkamadda taasoo naruuro u noqon doonta geedi socodka Dimuqraadiyadda, iyo heshiisyadda ay xisbiyaddu wada galaan. Xisbiyadda qarankuna ay noqon doonaan qaar la wada leeyahay oo aanay dad gaar ahi aanay ku shaqaysan oo aanay noqon goob shilimaad yar laga hello ee ay noqdaan qaar ummadda hogaamin iyo mustaqbal u horseedda. Ilaahay baa mahad leh; cid kastoo khiyaamo wadaana iyaddaa ku jabi doonta ee ha la sugo taariikhda qormi doonta inshallah.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...