Masaajid Cod-Baahiyihiisa Laga Shiday Hees Ay Qaaddo Fannaanadda Ummu Kaltuum Oo Muran Iyo Cadho Badan Dhaliyey

Date:

Dhacdo layaab leh oo muran iyo doodo badan dhalisay ayay noqotay markii laba wiig ka hor Masaajid ku yaalla magaalada Naablis ee daanta Galbeed ee Dhulka reer Falastiin laga saaray hees ka mid ah heesihii ay hore u qaadday fannaanaddii caanka ahayd ee reer Masar Ummu Kaltuum, heestaasi oo mid ka mid ah dadkii masaajidkaasi gacanta ku hayay uu sameecadaha manaaradda masaajidka ku xidhay cod dheerna meel walba oo u dhaw masaajidkaasi laga maqlayay heesta ka socota cod baahiyaha masaajidka, arrinkaasi oo noqday mid si weyn looga hadlay warbaahinta carabtana maalmihii ugu dambeeyey lagu faaqidayay iyada oo aan illaa hadda la ogayn ujeedada ninkaasi ka lahaa heesta uu masaajidka ka saaray ee codkeeda meelaha fog fog laga maqlay.

Warbixintan oo tusmoonline.com ka soo xigatay shabakadda wararka ee wakaaladda ANA waxa uu leeyahay Falkan oo magaaladaasi Naablis ka dhacay laba wiig ka hor ayaa waxa uu keenayaa in wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dawladda Falastiin ay baadhitaan xooggan ku hayaan sida falkaasi u dhacay kaasi oo keenay layaab iyo cadho badan oo ay dadka deegaankaasi ka muujiyeen falka ninkaasi ku kacay iyada oo aan la ogayn sababta ku kalliftay in uu cod baahiyaha masaajidkaasi ka baahiyo hees ay leedahay fannaanaddii Ummu Kaltuum.

Mid ka mid ah culimada magaalada Naablis ee daanta galbeed ee dhulka reer Falastiin oo wakaaladda wararka ee Arab News Agency u warramayay waxa uu yidhi: “Inkasta oo aanay ahayn markii ugu horraysay ee falkan oo kale Falastiin ka dhaco dhawr dhacdo oo kuwan la mid ahina hore u dhaceen haddana waa markii ugu horaysay ee Masaajidka ugu weyn magaalada Naasblis aannu ku aragno falkan oo kale. Masaajidkaasi waxa uu ku yaallaa deegeenka Shaarac Baliblah ee magaalada Naablis. Inkasta oo nin falkan loo qabtay uu sheegay in ay ahayd khalad farsamo oo halkii uu quraan ka saari lahaa uu baddalkeeda hees ka saaray haddana baadhitaan ayaa lagu wadaa oo ciddii falkaasi gashay lama saamixi doono tallaabo ayaanan ka qaadi doonaa”

Wakaaladda wararka ee ANA ee warkan aannu ka soo xigamay waxa ay sheegaysaa in dadkii ka ag dhawaa masaajidkaasi ay aad ula yaabeen markii ay ka war heleen sameecadaha waaweyn ee Manaaradda masaajidka oo ay ka baxayso hees cod dheer ku baxaysaa. Taasi oo keentay in dadkii goobta ka ag dhawaa ay taleefanadooda gacanta muuqaalo kaga duubaan masaajidka oo heesi ka baxayso kuna baahiyaan baraha xidhiidhka bulshada iyaga oo doodo badan iska waydaarsaday.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...