Waddan Raggiisii Gaashaanka Ku Dhuftay In Ay Guursadaan Haweenkooda Kuna Daatay In Ay Guursadaan Haween Ajaanib Ah

Waddanka Kuwait oo ka mid ah dalalka Carbeed ku yaalla Khaliijka ayaa warbixinadii ugu dambeeyey ee dhinaca guurka iyo arrimaha qoysku tilmaamayaan in ragga dalkaasi naceen in ay nolol la qaybsadaan haweenka muwaadiniinta ah iyaga oo door bidaya in ay guursadaan haween ajaanib ah sannadihii ugu dambeeyeyna guurka haweenka ajaanibka ahi kor u dhaafay inta laga diiwaan geliyey guurka muwaadiniinta ragga iyo haweenka reer Kuwait.

Wasaaradda Caddaaladda waddanka Kuwait waxa ay shaacisay toddobaadkan in ay diiwaan gelisay tirada guurka dalkaasi ka dhacay 18 kii bilood ee ugu dambeeyey oo muujinaya in ragga dalkaasi guursadeen haween dalal kale u dhashay oo ajaanib ah marka la barbar dhigo guurka ay raggaasi guursadeen haweenka muwaadiniinta ah iyada oo warbixinta wasaaraddau muujinayso in guurka ragga Kuwait ee calmaday haween ajaanib ahi 18-kaa bilood dhan yihiin 3364 xaaladood oo guur ah oo u dhaxaysa sannadkii 2015 iyo lixdii bilood ee ugu horreeyey sannadkan 2016 iyada oo tirada guurka haweenka muwaadiniinta ah la guursaday dhamayd wax ka yar 2345 oo xaaladood oo guur ah.

Wasaaradda Caddaaladda, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee dalkaasi Kuwait waxa ay sheegtay in ay sanandihii ugu dambeeyey mar walba kor u sii kacayaan codsiyada ragga reer Kuwait keensanayaan maxkamadaha sharciga ee qoyska, codsiyadaasi oo ay ku dalbanayaan guurka haween ajaanib ah, ha noqdaan kuwo ajaanib ah oo dalka ciqaamado ku deggan ama ha noqdaan kuwo dalal kale ku nool oo ay u dalbayaan sharci dal ku gal, jinsiyad iyo guur.

Warbxintan oo shabakadda tusmoonline ka soo xiganayso telefishanka Ruushka ee RT waxa uu leeyahay inkasta oo dalka Kuwait dhiirri gelin ballaadhan u sameeyo guurka muwaadiniinta ragga iyo haweenka reer Kuwait oo lagu siiyo lacago iyo adeegyo kale oo dhiirri gelin ah si dawladda dalkaasi u dhiirri geliso in raggu guursadaan haweenka dalkooda, haddana ragga reer Kuwait 15-kii sano ee ugu dambeeyey waxa ay mar walba doonaan in ay nolosha la wadaagaan haween aan kuwa dalkooda ahayn. Xukuumaddu waxa kale oo ay ragga u ballan qaaddaa in ay shaqooyin wanaagsan siin doonaan haddii ay guursadaan haween muwaadiniin ah balse wali ragga dalkaasi waxa ay la dhacsan yihiin haweenka ajaanibta ah, gaar ahaan dalalka kale ee carbeed iyo xataa ajaanib kaleba.

Tiro-koobyo kale oo wasaaradda Caddaaladda, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Kuwait soo saartay waxa ay ku sheegeen in ilaa bishii Januray ee sannadkan 2016 tirada guurka dalkaasi laga diiwaan geliyey dhammayd 4766 xaaladood oo guur ah waxaana haween ajaanib ah ka ahaa 3054 xaaladood, waana korodh layaab leh oo muujinaya sida ragga dalkaasi u calmanayaan haween ajaanib ah halkii ay haweenka dalkooda ka guursan lahaayeen.

Comments

comments