Deg Deg: Afar Qof Oo Ku Dhintay Shil Naxdin Badan Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Gabiley

Shil baabuur oo aad u naxdin badan ayaa goor dhawayd waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Gabiley gaar ahaana jidka u dhaxeeya magaalooyinka Kala Baydh iyo Gabiley.

Shilkan baabuur ayaa sababay dhimasho 4 Qof iyo dhaawaca tiro kale, waxaana shilkan uu aha mid aad u naxdin badan, iyaga oo dadka qaarkood ay maskaxdu qubatay.

Dad-goobta joogay waxay u sheegeen in goobtan uu dhawaan sidan oo kale uu ka dhacay shil baabuur oo aad u naxdin badan kaas oo ay ku dhinteen 12 qof.

Shilalka baabuur ayaa mudooyinkii u danbeeyey waxa uu kusoo badanayay gudaha Somaliland iyaga oo sababayay khasaare kala duwan iyo dhaawac,dhimasho iyo mid hantiyeedba leh.

Comments

comments