Dumarku Marka Ay Hinaasaan Waxa Koowaad Ee Ay Ku Ciil Baxaan Waa Burburinta Gaadhiga Saygooda

Date:

Riyaad (Wargane)- Tiro koob dib loo raacay ficillada ugu horreeyey ama soo noqnoqday ee dumar kala duwani waqtiyo aad u kala fog ku kaceen xilli ay saygooda ka hinaaseen ayaa lagu ogaaday in waxa ugu horreeya ee ay gabadhu ciilka kula dhacdaa uu yahay in ay burburiso muraayadaha baabuurka ninkeeda ay ka hinaastay. Arrintaas oo in kasta oo aan sabab rasmi ah loo helin ay khubarada qaar ku sheegeen, gabadha oo og in raggu baabuurta jecel yihiin sidaa awgeed ay doonayso in ay si nafsi ah u xanuunjiso iyo baabuurka oo qiimihiisu qaali yahay oo ay doonayso in ay dhibaato dhaqaale gaadhsiiso.

Dhacdooyinka arrintaas ka maragga ah oo si joogto ah uga dhacda duniga, weliba dalal iyo ummado aad dhaqannadooda iyo hab-nololeedkoodu u kala duwan yahay. Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa ay arrintan u soo daliishatay dhacdooyin meelo kala duwan oo dunida ah ka dhacay oo ay ka mid tahay, qisada gabadh Sucuudi ah oo ninkeeda oo ay ka hinaastay inta ay gaadhigiisa isaga oo aan ogeyn kaxaysatay, ay ku soo dhufatay guriga ay deggenayd xaaskiisa cusub oo ay hore u soo aragtay.

Khubaro ku xeeldheer arrimaha bulshada oo arrintan isku hawlay ayaa sheegay in sahamin iyo baadhitaan ay sameeyeen ay ku xaqiiqsadeen in dumarku marka ay ninka ka hinaasaan waxa  ugu horreeya ee ay xasuustaan uu gaadhiga yahay, iyaga o o tusaale yaal kalana u soo qaatay, gabadh reer Baraasiil ah oo inta ay ogaatay odaygeeda oo gabadh kale hoos  u wada, ay qaadatay kuus dhagxaan ah, kadibna inta ay gaadhigiisa dusha sare uga baxday ay dhagaxaan ku burburisay meel kasta oo muraayad ah iyo xitaa meelaha kale ee ay nabarrada gaadhsiin karto. Arrintan oo meel fagaare ah ka dhacday ayaa timid markii gabadhani ay timid hudheel cunto oo ninkeeda iyo gabadh uu xidhiidh ka dhexeeyey ka cuntaynayaan gaadhiguna bannaanka u yaallo.

Dalka China ayaa isna la sheegay in gabadh hinaastay ay burburisay muraayadaha gaadhigiisa kadib markii ay ogaatay in uu caashaqsan yahay gabadh kale. Gabadhani weliba waxa ay dumarka kale dheerayd in ay quraarado ku jebisay gaadhigan oo aakhirkii gaadhiga oo burburay laga kaxeeyey iyada oo gacmaha dhiiggu ka hooray.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in dad badan oo ay khubaradani wax ka weydiiyeen arrintan, ay dhammaantood isu raaceenin dhib kasta oo ka timaadda haddana ay tahay habka ugu habboon ee ay gabadhu kaga aargoosan karto ninkaiyada oo aan naftiisa dhib u geysan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...