Safiirka qarramada Midoobay u fadhiya dalka Ingiriiska Matthew Rycroft, ayaa shaaca ka qaaday in Golaha Amaanku qoraal rasmi ah ka soo saari doono, jawaab ay ka bixinayaan codsi ay ku dalbanayeen aqoonsiga Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo shalay ku soo bandhigay Hargeysa codsi bulshada Somaliland oo tiradoodu kor u dhaaftay hal milyan qof ku dalbanayeen aqoonsi caalami ah oo dalkoodu ka helo beesha caalamka munaasibad uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayuu jawaab ka bixiyey safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Qaramadda Midoobay.
Weriye Matthew Lee, oo qora shabakada Inner City Press, oo wax falanqeeya arrimaha Qaramadda Midoobay ayaa shalay galab wax ka weydiiyey sida uu u arko mowqifka bulshadda Somaliland ku dalbanayso aqoonsi dalkoodu helo, Mr. Matthew Rycroft, safiirka Ingiriiska u fadhiya QM.
Q&A: At #UNSC, ICP Asked UK Ambassador @MatthewRycroft1 About #Somaliland Independence Petition https://t.co/xXCdqMNRnQ
— Inner City Press (@innercitypress) August 23, 2016
Mr. Rycroft, oo jawaab kooban ka bixiyey ayaa shaaca ka qaaday in Golaha Amaanku qoraal rasmi ku soo saari doono jawaabta, waxaanu yidhi “Qoraal rasmi ah ayuu golaha Amaanku ka soo saari doonaa arrintan.”
Warka codsigii shacabka Somaliland ku dalbanayeen in beesha caalamku aqoonsato dalkooda JSL ayuu sabab u noqday inuu gaadho xarunta Qarammada Midoobay, gelinkii dambe ee shalay weriye Maxamuud Walaaleye oo hawlwadeenada wargeyska DAWAN, ka tirsan, oo wada shaqeyn dhow ka dhexeyso tifatiraha Inner City Press, inkastoo indhaha lagu hayn doono nooca jawaab togan ama mid tabban ee Golaha Amaanku ka bixiyo, dhinaca kale, gaadhitaanka dalabka codsiga shacabka Somaliland ee aqoonsiga dalkooda Golaha Amaanka ayaa noqon doonta mid wax badan ku soo kordhisa, kuna soo jeedisa dareenka beesha caalamka qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.