Somaliland: Xaflad Balaadhan oo lagu soo dhaweynayey Murrashaxa jagada Madaxweynaha Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi. iyo waftigiisii oo ka dhacday Magaalada Birmingham ee dalka UK

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa xalay ka dhacday Magaalada Birmingham, iyadoo ujeedada xaflada ay ahayd sidii loo soo dhoweyn lahaa, Wafti heer sare ah oo uu horkacaayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye  Ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga  Md. Muuse Biixi Cabdi. Waxaana  abaarihii 7 fiidnimo xalay 05 October 2016,  ay ka dhacdey Magaalada Birmingham.

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka soo qeyb-galey, qeybaha kala duwan Bulshada Sida:- Tageerayaasha Kulmiye iyo Jaaliyadda Somaaliland ee ku dhaqan Magaalada Birmingham iyo waliba qaar kale oo ka yimid daafaha iyo dacalada waddankan United Kingdom.

Xalay waxay reer Birmingham u ahayd habeen taariikhi ah oo dadka Tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ay ka muuqatay qiiro iyo wadaniyad cod dheer lahayd. , iyagoo ku farxsanaa soo dhoweynta Weftiga Murrashaxa jagada Madaxweynaha Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi  oo ka mid ahaa weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Xaflada oo ay isku dubaridkeeda lahaayeen Gudida Kulmiye Birmingham ayna hormood ka ahayeen Gudoomiyaha Md Maxamud Xirsi Duduu  Iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Md Fariid Diiriye Nuur : waxaa ugu horayn lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah, iyadoo kadibna laga waramay Ujeedada xafladda iyo Booqashada weftiga Gudoomiyaha kulmiye ahna Musharaxa madaxweynaha Md Muuse Biixi,

Waxaa kadib halkaas ka hadley qaar kamid ah waftiga ballaadhan ee la la socday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, sida wasiirka madaxtooyada Maxamuud xaashi Cabdi . wasiirka Caafimaadka Dr Saleeban Ciise Axmed Xaglo-Toosiye.Wasiirka wasaarada xanaanda xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse

kuwasoo halkaasi kasoo jeediyey khudbado yaryar oo kooban, kuwaasoo dhinacyo badan taabaneyey.

Hadalka wasiirka madaxtooyadda Md Maxamud Hashi  waxaa  ku jirtey in Jaaliyadda ama tageerayaasha Kulmiye  ee qurba-joogta ah looga baahan yahay sidii lagu yaqaanay: taageero dhaqaale oo lagu fuliyo hawlaha Xisbiga iyo inay muujiyaan dedaal badan.

 Intaa kadib ayaa waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey,

ugu dambeyntii ama lagu soo gabegabeeyey Gudoomiyaha Kulmiye ahna musharaxa xisbiga kulmiye Mudane Muse Biixi Cabdi . waxaa gudoomiye Muuse Biixi Jaaliyadda reer Birmingham uu ugu baaqey iney noqdaan horseed lagu daydo oo wax weyn ka tara dibu-dhiska dalkooda hooyo.wuxuu uga mahadceliyey dadweynihii reer Somalilland ee sida sharafta leh ugu soo dhoweeyey Britain markii u horeeysay ee uu yimaado, wuxuuna si gaar ah amaan iyo bogaadin badan u jeediyey qaban-qaabiyayaashii munaasabadan ,

Ma ahayn wax qoraal lagu soo koobi karo khudbaddihii weftigii Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye  Ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha Kulmiye

Geba-gabadii xafladdaan ballaadhan ayaa waxaa ay ku dhammaatey jawi ay farxadi ku dheehan tahay, kaasoo Jaaliyaddii ka qeyb- gashey ay aad mabsuud uga wada ahaayeen, waxaanna Musharaxa madaxweynaha xisbiga Kulmiye uu mid-mid u gacan qaadey Jaaliyaddii ka qeyb-gashey kulankaasi.
Waxaa isna halkaasi gabay cajiiba ka jeediyey Abwaan Cabdi maxamud Cilmi “Baraar”Gabaygan quruxda badan oo munaasida aad u khuseeyay iyo waayihii la soo maray.
Xafladda waxaa goob-jooge ka ahaa qeybaha kala duwan ee Saxaafadda, sida Telefishinka Qaranka ee SLNTV iyo Horn cable Tv. ,.

Waxaa la filayaa in weftiga Musharaxa madaxweynaha Mudane Muuse ay uga bilaabato booqashooyin kale oo uu ku kala bixinayo Goboladda kale ku yaala dalka Ingiriiska oo ay ka mid yihiin London Bristol iyo Magalooyin kale.

14463103_306883189675407_328049907193651047_n 14517544_306795526350840_6929986312769824431_n 14523038_987743134687140_7786891389938543520_n 14568034_306882483008811_7231921892929097522_n 14581426_987743081353812_1746218257955853239_n 14581511_306883543008705_6192882586029778788_n 14606557_1787862444832740_3199474680755326330_n

Comments

comments