Somaliland: Cali Xoor-Xoor Oo Ugu Dambayn Qiray Inuu Xukuumadda Kaga Horyimi Heshiiskii Dekedda Berbera

Date:

“Anigu Nin Kibray Oo Dawladda Ka Horyimi Maan Ahayn, Nin Mucaarad Iyo Meel Kale U Hilaacdayna Maan Ahayne Sidaas Wax Ha Loo Hagaajiyo Ayuunbaan Lahaa” Mareeyihii Hore Ee Dekedda Berbera

Maareeyihii hore ee dekedda Berbera Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) ayaa ugu dambayn qiray inay isaga iyo xukuumaddu ku kala aragti duwanaadeen heshiiskii shirkadda DP World ee lagu wareejinayay dekedda Berbera kaasoo gaalaftay xilkiisa.

Cali Xoor Xoor ayaa sheegay inuu xilku meerto yahay sunaha dawladnimadana ay ka mid tahay inuu xilku kaa wareego oo uu qof kale u wareego, balse waxa uu qiray in sababta ugu wayn ee xilkiisa sahayatay ay tahay aragtida uu ka qaatay heshiiskaas oo uu sheegay inuu cabiray sidii uu sax u arkaayay waxaana isagoo arrinkaas ka hadlaya uu yidhi:

“shaqada galideeda iyo ka tagisteeduba waa sunne dawladeed oo shaqadii way ka dhaamataye hebel ku wareeji nidaamka dawladnimo ayay ka mid tahay inkastoo laga yaabo barnaamijka ku saabsan Cali waxbuu diiday ama amar diido ayuu sameeyey, barnaamijkaas barnaamij qaran oo dawladda ka dhexeeya oo nin waliba aqoontiisa uu ku hagayo ayuunbay ahayd wax faraq ah oo aniga iyo xukuumadda aan u shaqeenayay noo dhexeeyey ma jirin, barnaamijkaasina sidan ayaa inoo wanaagsan iyo sidan ayaa iminka la helayaa ayuunbuu ku saabsanaa, wax kale oo dhibaato ahi ma jirto nin kibray oo shaqadii ka kibray oo dawladdii ka horyimina ma ihi sidaas ha loo hagaajiyo ayuunbaan lahaa oo ay aniga iila muuqanaysay nin mucaariday oo hilaac kale u baxay oo meel kale u hanqal taagayna maan ahayn waxaanu ka wadahadlaynay arrin daneed oo rasmi ah oo na soo food saaray”.

Inkastoo uu Cali Xoor Xoor sheegay inuu dawladda u shaqaynayay hadana waxa uu xusay inuu fikir ahaan dhiibtay sidii uu wax u arkayay, isagoo sheegay inuu sidii uu saxda u arkayay soo bandhigay faraq kalena aanu jirin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...