Somaliland: Badheedhihii Xil Wareejintii Cali Xoor Xoor Ee Fadhiga U Diiday Idmanayaashii Madaxtooyada Ka Socday Iyo Heshiiska Dp-World Oo Uu Ku Sheegay Dano U Gaara Dawladda

Date:

“Nin Kibray Oo Shaqada Ka Hor Yimid Ma Ihi, Ee Sidaasi Wax Haloo Hagaajiyo Uunbaa Lahaa, Sidaasi Ayay Aniga Iila Muuqanaysay”… Eng Cali Xoorxoor

Berbera (Wargane) –Maareeyihii hore ee Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) oo shalay ku wareejiyay xilkii maareeyihii Cusbaa ee dhawaan loo magacaabay Dekeda Berbera ayaa shaaca ka qaaday inuu xilka uga tagay kala duwanaansho xaga fikirka ah oo ku saabsan qaabka uu ku wanaagsan yahay in loo dhigo Heshiiska Dp-World ee Wareejinta Dekeda Berbera,Waxa uu iftiimiyay in Madaxtooyaddu xilka kaga qaaday oo ay aad ugu kala fogaadeen qorshaha loo hirgalinayo heshiiskaasi oo uu ka dar daar wariyay inuu noqdo mid midho dhal u yeesha shacabka Reer Somaliland.
Eng Cali Xoor Xoor oo ka mid ahaa gudidii Farsamo ama farsamo yaqaanadii waday Heshiiskii shirkada Dp-World ee Wareejinta Dekeda Berbera oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo xilka qaaday ayaa shalay Xafladii Xil Wareejinta ka sheegay inay si weyn isaga iyo Madaxtooyadu ugu murmeen oo ay ugu kala aragti duwanaadeen heshiiskaasi iyo qaabka uu macquulka ku yahay,waxaana uu sheegay inay arintaasi tahay mida uu xilka kaga tagay ee lagaga qaaday“Waxaan ku noqonayaa Dad badan ayaa shaqada Dawlada Ka tagisteeda layaaba,laakiin waxaan idiin sheegayaa Inay nidaamka Dawladnimada ka mid ah tahay,waxa keli ah oo laga yaabaa inaad isweydiisaan ama dadka qaar ay maqlayeen Barnaamijka ku saabsan,Cali waxbuu diiday,Amar diido ayuu sameeyay,Wax caynkaas ah,Barnaamijkaasi(Dp-World) barnaamij daneed oo dawladu leedahay oo qaranka ka dhexeeya ayuu ahaa,oo nin waliba Fikirkiisa iyo Aqoontiisa ku hagayo ayuunbay ahayd,Wax aniga iyo Dawlada na dhexgalayna muu jirin,barnaamijkaasina mid ay dawladu Gacanta ku haysay ayuu ahaa,aniguna aan ka ahaa Farsamo yaqaan,nin kibray oo shaqada ka hor yimid ma ihi,ee sidaasi wax haloo hagaajiyo uunbaa lahaa,sidaasi ayay aniga iila muuqanaysay”.
Eng Xoor Xoor oo aad loo loogala dar daarmay inuu hadal badan Xaflada ka sheego islamarkaana isagu afkiisa ka sheegay ayaa daaha ka rogay in isaga iyo Xukuumaddu ay wada galeen arin culus oo keentay inay ku kala aragti duwanaadaan,taasi oo aakhirkii keentay in xilka lagaga qaado,waxa uu sheegay inaanu ahayn shaqsi mucaaridnimo u dhashay oo meel kale u hanqal taagaya, laakiin uu jiray ismaandhaafka isaga iyo madaxtooyadda dhex maray oo ku qotomay heshiiskaasi oo ay ku kala aragti duwaandeen“Nin Mucaariday oo hilaac kale u muuqday oo meel kale u hanqal taagay maan ahayn,Laakiin waxaanu ka wada hadlaynay arin daneed oo rasmi ah,oo waaqici ah oo nasoo food saaray,oo aan khayrkiisana rajaynayno”.Ayuu yidhi Eng Cali Xoor Xoor.
Idmanayaal Madaxtooyadda ka socday oo ku sugnaa Xafladii Xilwareejinta ee Eng Xoor xoor ayaa laga dareemayay dareen kacsanaan ah oo ay wadnaha farta ku hayeen,islamarkaana ay ka cabsi qabeen waxa afkiisa ka soo bixi doona Eng Xoor. Dhawr jeer ayaa la arkayay Cali Gadheer,Cali Dhagoole Iyo Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo ku laba noqonayay Qaadasha Biyihii Mooyo saxada ahaa ee horyaalay markii uu Eng Xoor Xoor bilaabay hadalkii garnaqsiga ahaa oo uu waliba sheegay in lagala soo dardaarmay inuu waxbadan yidhaahdo.
Eng Cali Xoor ayaa wareejiyay lacag iyo dhul Banaan oo dekedu leedahay oo uu ku dar daarmay inaan lafaro farayn,waxa uu sheegay in dhulkaasi uu dagaal badani ka soo qabsaday islamarkaana ay ilaalintiisu dawlada u taalo “Waxaan idinku wareejinayaa Afar Milyan iyo Sagaal boqol oo Kun Oo Dollar iyo Dhul Free Zone ah Oo Qaxar Badani naga soo galay,Dad badan ayaa sheeganaya dhulkasi,Dawlada ayaanay u taalaa sida ay ka yeelayso iyo ilaalintiisu“ ayuu yidhi Maareeyihii hore ee Dekedda Berbara Injineer Cali Cumar Maxamed oo loo yaqaano Cali Xoorxoor.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...