Somaliland: M-Weyne Ku Xigeenka Somaliland Oo La Kulmay Safiir Ku Xigeenka Holland u Fadhiya Kenya

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ka socday dawladda Holland oo uu hogaaminayay safiir ku xigeenka dawladaasi u fadhiya dalka Kenya iyo xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya arrimaha cadaaladda.

Weftigaasi oo shalay dalka yimid waxa kale oo ka mid ahaa masuuliyiin ka socday hay’adaha caalamiga ah ee dawladda Somaliland kala shaqeeya arrimaha gar-soorka, cadaaladda iyo amniga, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen xubno ka kala socday hay’adaha UNDP, UNICEF, UNODC iyo IOM.

Waxaanay madaxweyne ku xigeenka iyo weftigaasi ka wada hadleen guulaha laga gaadhay kobcinta iyo kor u qaadidda arrimaha cadaaladda iyo Gar-soorka, iyadoo ay labadda dhinac is-dhaafsadeen warbixino ku saabsanaa arrimahaasi.

Sidooo kale weftigan ka socday safaaradda Holland ee Nairobi iyo hay’adaha caalamiga ah, waxa kale oo ay kulan la yeesheen guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Cali Aw Yuusuf Axmed.
Waxaana la sheegay in weftigaasi ay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda kala hadleen waxyaabo ku saabsan xeerarka uu goluhu ansixiyo iyo in la xoojiyo cadaaladda dalka.
Weftigani ayaa kulamadani ay la yeelanayeen bahda cadaaladda waxay ku soo gebagabeeyeen taliska ciidanka booliska Somaliland, iyadoo uu halkaasi ku qaabilay taliyaha ciidamadda boolisa Sareeye guuto C/laahi Fadal Iimaan.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha gar-soorka Somaliland Axmed Faarax Cadare, oo ku wehelinayay weftigaasi intii ay kormeerkooda ku guddo jireen ayaa markii ay kulamadaasi soo dhamaadeen waxa uu warbaahinta faahfaahin ka siiyay u jeedadda kulamadaasi iyo arrimihii lagaga wada hadlay.
Waxaanu yidhi “Weftigani waxay kormeerkoodda ku soo mareen guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda, iyadoo xubnaha ka socday safaaradda Holland ee Kenya, iyo hay’adaha UNPD, UNICEF, UNODC, IOM, iyo URSOM wefti ka socday, oo labadii maalmood ee u danbeeyay nagala qayb qaatay, bahda cadaaladda iyo amaanka oo isku dhan.
Maanta meel ayaynu taaganahay, oo aynu soo gaadhnay cadaalad ahaan iyo amaan ahaan-ba, oo aynu ku xisaabtami doonno mustaqbalka dheer. Iyo sida aynu uga maarmi karno hay’adaha iyo dawladaha shisheeye”.

Axmed Faarax Cadarre, waxa kale oo uu tilmaamay in gunaanadkii kulamadaasi la is-kula qaatay sidii loo qiimayn lahaa hiigsiga cadaaladda ee mustaqbalka danbe. Isagoo xusay in meelaha uu ka jirro dib-u-dhaca sharci ay sabab u tahay xeerarka aanu weli ansixinin baarlamaanku.

“Geba-gebadii kulankaasi, waxaa la is-la qaatay in hiigsiga danbe la odoroso, lana qiimeeyo. Iyadoo waxyaabo badan oo wax laga qaban lahaa-na ay sabab u tahay dib-u-dhacoodda xeerarka sharci ee aan weli ka soo bixin golaha baarlamaanka. Taasina saaka (shalay) ayaanu kulan aad u qiimo badan oo lagu lafo-gurayay ka yeelanay, sidii afarta xeer ee muhiimka ah ee laallan, looga gaadhsiin lahaa, loo-na curin lahaa” ayuu yidhi wasiirka cadaaladda.

Dhinaca kale wasiir Cadarre, waxa uu ka hadlay kulanka ay weftigaasi la yeesheen madaxweyne ku xigeenka. “Sidoo kale, waxaanu maanta (shalay) la kulanay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, oo ay halkaasi warbixin ku siisay bahda cadaaladda Somaliland, isagoo uga mahad naqay sida wanaagsan ee ay isugu xidhmeen bahda cadaaladu iyo sidoo kale meesha wanaagsan ee ay wax u marayaan.
Waxa kale oo uu madaxweyne ku xigeenku weftigan ka socday safaaradda Holland ee Nairobi iyo xubnahan ka socday hay’adaha Somaliland ka taageera dhinaca farsamadda iyo aqoonta. Waxaanu madaxweynuhu uga mahad naqay masuuliyiintaasi sida wanaagsan ee ay hawlaha u wadaan. Iyadoo ay iyaguna dareemeen is-bedelka la taaban karro ee ay soo kordhisay bahda cadaaladu”.

Ugu danbayn wasiirka cadaaladu waxa uu u mahad naqay guud ahaanba bahda cadaaladda iyo gar-soorka sida fiican ee isku duub-naanta ah ee ay u wada shaqeeyaan. Isagoo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad naqo, bahda cadaaladda, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud, komishanka booliska iyo asluubta iyo guud ahaan-ba bahda cadaaladda madaxa banaan ee nagala sahqeeya cadaaladda, sida quruxda badan, ee wada jirka ah, isugu yimid in ay ka hawl-galaan danta ay qaranka uga masuulka yihiin”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...