Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada wararka Warganenews ayaa sheegaya in dawladda Somaliland iyo dawlad deegaanka Somalida itoobiya la filayo inuu maanta shir uga furmo degmada Xaaji saalax oo kamida gobolka togdheer isla markaana ah xadka kala badha dawladaha itoobiya iyo Somaliland.
Waxaana shirkan fooda isku daraya sida naloo sheegay masuuliyiinta gobolka togdheer oo ay waheliyaan masuuliyiinta shanta degmo ee Somaliland ee dhanka gobolka togdheer xadka kala wadaaga dawlada itoobiya iyo masuuliyiin ka socda degmada gaashaamo iyo degmooyin kale oo hoos yimaada isla markaana iyaguna ku yaala xadkaas kala badha somaliland iyo itoobiya.
Shirkan oo daba socday shirar hore oo ay wada yeesheen labada dawladood ayaa sida xogahani tibaaxayaan waxa lagaga wada hadlayaa dhawr qodob oo ay kamid yihiin ka wada shaqaynta dhanka amaanka ee labada dal,xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed,isku socodka dadka iyo gadiidka ee iskaga kala goosha degmooyinka kililka shanaad iyo Somaliland.
Sidoo kalena masuuliyiinta ka socday dhanka dawlada itoobiya gaar ahaana ismaamulka kililka shanaad ayaa waxay codsadeen in looso celiyo dadkii deegaanada gaashaamo degenaa ee kasoo cararay dhibaatooyinka ay ku hayeen ciidamada Liyuu Booliska isla markaana soo dagay deegaanada somaliland,waxaana shirkan lagu wada gorfayn doonaa arimo badan.
Waxii warara ee kasoo baxa kulankaasi kala soco shabakada Warganenews