Cabdullaahi Yuusuf oo Madaxweyne noqday iyo talooyinkii aanu siinay Males Zenawi – W.Q. Ambassador Hussein A. Duale Awil

Waxa jirtay beri ay odayaal Hawiye ahi u tageen Maxamed Siyaad Barre. Way ka cawdeen iyaga oo ku eedeeyey in uu beeshooda cadaadis gaar ah ku hayo. Siyaad Barre markii uu ka jawaabayey eedeynta odayaasha ayuu hadalkiisii ku daray saadaalin cajiib ah. Wuxuu odayaashii ku yidhi:

“Waxa garan doontaan odaynimadayda iyo Soomaalinimadayda maalinta Cabdillaahi Yuusuf Madaxweyne idiin noqdo.”

Waxay noqotay saadaal dhabowday. Markii Cabdiqaasim Salaad magaalada Carta loogu doortay Madaxweynaha wuxu Muqdisho ka degay isaga oo ay wehelinayaan dhawr siyaasiin ah oo kali ah. Markii Cabdullaahi Yuusuf madaxweynaha loo doortay wuxuu shardi kaga dhigay Beesha Caalamka in la siiyo ciidan gaadhaya 20, 000 oo geeya Muqdisho. Waxaan xasuustaa Maxamed Xasan Xaad, Guddoomiyaha Odayaasha Hawiye, oo idaacadda BBC-da ka leh:

“Cabdullaahi Yuusuf, Madaxweynahayagii ayaad tahay. Sharaf ayaad naga mudan tahay. Waanu ku soo dhoweynaynaa. Ciidan ajnebi ah uma baahnid. Ummaddii ku dooratay ee aad madaxweynaha u ahayd ayaad u imanaysaa.”

10-kii Oktoobar 2004 ayaa Cabdullaahi Yuusuf shirkii Mbagathi ee Nairobi ka socday loogu doortay Madaxweyne. Subaxnimadii ku xigtay dawladda Somaliland waxay soo saartay war-saxaafadeed ay ku cambaaraynayso doorashada Cabdullaahi Yuusuf iyada oo ku tilmaantay “Dagaal-ooge Soomaaliya u horseedi doona halaag iyo burbur hor leh.”

Wakhtigaas waxan ahaa Wasiirka Maaliyadda Somaliland. Cambaarayntii kadib ayaan booqasho ku tegay magaalada Addis Ababa. Waxaan la kulmay Wasiir ka tirsan xukuumadda Itoobiya oo u janjeedha Cabdullaahi Yuusuf. Wuxuu igu yidhi:

“Cambaareynta Somaliland dhaawac weyn ayey u geysanaysaa dawladda Cabdullaahi Yuusuf. Beesha Caalamka ee uu taageerada ka doonayo ayaa dib isu taagi doonta iyaga oo dareenkoodu yahay Somaliland oo nabad ah ayaa ku qaylisay Cabdullaahi Yuusuf, bal aynu wax hubsano. Mar haddii dardarta ama “momentum-ka” Beesha Caalamku hakad galo way adag tahay in mar dambe la dhaqaajiyaa.”

Ka hor inta aanan u gudbin talooyin ku aaddan Cabdullaahi Yuusuf oo Madaxweyne Rayaale iyo anigu aanu siinay Ra’iisal-Wasaare Meles Zenawi, aan dib u milicsado sheeko na dhex martay Cabdullaahi Yuusuf markii uu socday dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya dhexmaray 1977.

Aniga oo danjire ka ah Kenya ayaa la iiga yeedhay Muqdisho kadibna Maxamed Cali Samatar oo ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ayaa igu amray in aan ka mid noqdo saraakiisha dagaalka hoggaaminaysa. Sababtu waxay ahayd iyada oo la igu qoonsaday talooyin ka soo horjeeda dagaalka oo aan soo bixiyey ka hor intii aanu dagaalku bilaabmin.

Abbaaro 8.00-dii habeenimo ayaan ka soo dhaqaaqay Muqdisho aniga oo u jeeda dhinaca Baydhabo. Waxa ila socda dirawalka iyo saddex askari oo dable ah. Habeenkii waxaan seexday huteelkii Eden ee Cabdulqaadir Soobe lahaa. Subaxnimadii markii aan quraacdii u soo baxay ayaan la kulmay Kornayl Cabdullaahi Yuusuf iyo Jeneraal Cabdullaahi Maxamed Xasan “Ma-tukade” oo ahaan jiray Taliyaha Ciidanka Boliiska. Markii uu i arkay ayuu Cabdullaahi Yuusuf igu yidhi:

“Waar Cawil, maxaa meeshan ku keenay sowdigii danjiraha ahaa?” Waxaan ugu jawaabay:

“Oo Cabdillaahi adiga maxaa ku keenay sowdigii ahaa Mareeyaha Wakaaladda Fiat?”

Labadayaduba waanu qosolnay. Kadibna Cabdullaahi Yuusuf ayaa cod dheer oo ay wada maqlayaan dadyowgii ka quraacanayay huteelku ku yidhi:

“Cawilow in uu Maxamed Siyaad Barre nacas yahay maanta ka hor maan ogayn. Ma ninka maankiisu siiyay in uu igu yidhaahdo Cabdillaahi Yuusufow Sidamo ii soo xoree kadibna dadka Soomaaliyeed faras dahab ah ha i saaraan, wiilkayga wiilkiisuna madaxnimada Soomaaliyeed ha kala dhaxlaan. Ma ninka garan waayey dirawalladii aad derejooyinka ku taxday dagaalka u diro. Cawiloow aagga Sidamo waan curyaaminayaa, Cirro-na aagga Herer ayuu curyaaminayaa, adiguna curyaami aagga Bale.

1994-kii, mar aanu ku kulanay magaalada Nayroobi, Cabdullaahi Yuusuf wuxu igaga cawday wixii aan ka qoray ee ku soo baxay buuggaygii “From Barre to Aideed”. Waxaan ka sheekeeyey inqilaabkii ay isaga iyo Kornayl Cirro isku dayeen markii uu dhammaaday dagaalkii 1977-kii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu haystay ciidan soddon kun oo nin ah (30,000) oo si laxaad leh u qalabaysan saldhiggiisuna yahay magaalada xadka ku taalla ee Doolow. Waxay Cabdullaahi Yuusuf iyo Kornayl Cirro ku heshiiyeen in ay inqilaabka sameeyaan 12-ka April 1978 oo ku beegnayd 18-guurada maalintii la aasaasay Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

10-kii March 1978-kii, bil ka hor wakhtigii ay qorsheeyeen afgembigu in uu dhaco, waxa si kedis ah xeradii Cabdullaahi Yuusuf madaxda ka ahaa u soo galay Maxamed Siyaad Barre oo ay la socdaan 20 askari oo koofiyad cas ahi. Waxay ahayd fursad dahabi ah oo aan la heli karin. Madaxweynihii ay inqilaabayeen ayaa isagii is keenay. Waxay ahayd in uu Cabdullaahi Yuusuf si geesinimo ah markiiba u qabto Maxamed Siyaad Barre. Waxa hubaal ah haddii uu halkiisa joogi lahaa Kornayl Cirro in uu ku dhiiran lahaa qabashada Maxamed Siyaad Barre afgembigana sidaas ku hirgeli lahaa.

Inqilaabkii wuxu Kornayl Cirro ku dhaqaay 9-kii April 1978, dhawr maalmood ka hor wakhtigii ay markii hore qorsheeyeen, isaga oo urursaday askar aan ka badnayn 100 iyo 15 sarkaal. Haddii uu isla markiiba Cabdullaahi Yuusuf ciidankiisa u soo dhaqaajin lahaa Muqdisho, inqilaabkaasi wuu guulaysan lahaa, sababtoo ah ciidan tiro yar oo aan shan kun (5000) ka badnayn ayaa Muqdisho ku sugnaa. Way is dhiibi lahaayeen ama Kornayl Cirro ayey la safan lahaayeen. Cabdullaahi Yuusuf halkii uu tallaabadaas ku dhiirran lahaa ayuu ciidankiisii oo tiro iyo tayaba leh cidla’ kaga dhaqaaqay. Isaga oo 4 sarkaal oo kali ah wata ayuu u baxsaday dalka Kenya. Waxa hubaal ah in haddii Kornayl Cirro og yahay in aanu gurmad ka helayn Cabdullaahi Yuusuf aanu ku dhaqaaqeen inqilaabka. Markii uu afgembigii dhicisoobay Kornayl Cirro waxa laga qabtay meel u dhow Wanla-Weyn, isaga oo gashan dhar reer-miyi ah. Waxa lala toogtay 9 sarkaal oo dhallinyaro ah.

Cabashadii Cabdullaahi Yuusuf waxaan kaga jawaabay:

“Cabdullaahi, bal adigu u magac bixi tallaabadaas aad ku kacday wixii ay ka dhignayd. Iyada oo aad saraakiil kale axdi ku gasheen in ay kula sameeyaan inqilaab ayaad markii ay arrintii ku dhaqaaqeen halkii aad uga gurman lahayd cidlo kaga dhaqaaqday.

Muddo kadib markii Cabdullaahi Yuusuf Madaxweynaha laga dhigay ayaa Ra’iisal-Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi uu dayuurad u soo diray Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin isaga oo ka codsaday in uu booqasho ugu yimaad Addis Ababa. Wasiirkii Arrimaha Dibedda Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, safar dibadeed ayuu ku maqnaa. Aniga ayaa Madaxweynaha raacay. Waxaanu la kulanay Ra’iisal-Wasaare Meles Zenawi. Wuxuu nagu yidhi:

“Madaxweyne Rayaale, waxaan kuugu yeedhay in aan talooyin ku weydiiyo. Ciidan Itoobiyaan ah ayaan u diray Soomaaliya si ay dalka u xasiliyaan wadaaddada xagjirka ahna u kala eryaan. Ma damacsani in ciidanka Itoobiya ku raagaan Soomaaliya. Taasi waxay keeni kartaa in beesha Hawiye magaalada Muqdisho dhexdeeda ugu jabhadeeyaan ciidanka. Waxaan kaa codsanayaa aniga oo kugu kalsoon in wixii talo ah aad i siiso.”

Madaxweyne Daahir Rayaale wuxu ugu jawaabay:

“Ra’iisal-Wasaare Meles, waad ku mahadsan tahay kalsoonida aad ii muujisay. Cabdullaahi Yuusuf dadka Soomaaliyeed si fiican ayey u yaqaanaan oo nin ku cusub ma aha. Cabdullaahi Yuusuf Soomaaliya dawlad u dhisi maayo ee wuxuu rabaa in uu beesha Hawiye ka aarsado, dhaqaalahoodana burburiyo. Ra’iisal-Wasaare Meles, waxaan si daacad ah kuugula talin lahaa in Cabdullaahi Yuusuf aanu ciidankaaga ku isticmaalin beesha Hawiye oo ay ku eekaadaan ujeeddadii aad ugu dirtay Soomaaliya. Wasiirkaygan Maaliyadda ee i garab fadhiya ayey Cabdullaahi Yuusuf wada shaqeeyeen. Aan isagana hadalka siiyo.”

Hadalkii markaan qaatay waxan ku idhi:

“Ra’iisal-Wasaare Meles Zenawi, waad ku mahadsan tahay talada aad arrinkan naga weydiisay. Waxa Cabdullahi Yuusuf iigu horraysay isaga oo kabtan ah aniguna aan xiddigle ahay. Waxaan kala qayb-galay dagaalkii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya 1964-kii annaga oo ka hawl-galnay aagga Doolow. Ku-xigeen ayaan u ahaa. Waxaanu kaloo ka wada qayb galnay dagaalkii Soomaaliya la gashay Itoobiya 1977-kii. Isagu wuxu joogay aagga Sidamo anna waxan ku sugnaa aagga Bale. Waa shakhsi aan si fiican u aqaano. Sida uu Madaxweyne Rayaale sheegay Cabdullaahi Yuusuf maskaxdiisa kuma jirto Soomaaliya u dhis dawlad ka samato-bixisa dhibaatooyinka ku habsaday. Arrinka kaliya ee uu u socdaa waa in uu Hawiye ka aarsado, gummaado, dhaqaalahoodana burburiyo, si aanay beesha Hawiye boqolka sanno ee soo socda madaxa ula soo kicin, haddii ay noqoto dhinac siyaasadeed iyo xag dhaqaaleba. Ra’iisal-Wasaare, Cabdullaahi Yuusuf waa shakhsi aan waxba aaminsanayn. Ma aaminsana Soomaalinimo, ma aaminsana beesha Daarood ee uu ka soo jeedo, ma aaminsana beesha Majeerteen uu ka soo jeedo. Shayga kaliya ee uu aaminsan yahay waa jilibkiisa ugu hooseeya ee Reer Mahad. Ciddii aan Reer Mahad ahayn, cadow ayuu u arkaa.

Hase ahaatee, Cabdullaahi Yuusuf waa shakhsi nasiib badan. Ma waayo hoggaamiye Itoobiyaan ah oo madaxa saarta. Mengistu Xayle Mariyam ayaa madaxa saaray, markii uu hab-dhaqankiisii arkayna xabsiga dhigay. Jabhaddii TPLF (Tigrayan People’s Liberation Front) ee aad hormoodka ka ahayd markii ay Addis Ababa soo gashay ayey xabsigii weynaa albaabadiisa fureen oo maxaabiistii sii wada daayeen. Sidaas ayuu Cabdullaahi Yusuuf ku soo baxay. Adiguna u malayn mayno in aad aqbali doonto hab-dhaqankiisa gurracan, mana xakamayn kartid. Waxaanu isha ku hayn doonaa bal waxa aad kala yeeshaan. Waan og nahay in dawladda aad madaxda ka tahay ay xoogga saartay in shirkii Mbagathi Cabdullaahi Yuusuf loogu doorto Madaxweyne.

Ra’iisal-Wasaare, waxaad tahay shakhsi xaqaani ah oo qowmiyadihii kala duwanaa ee Itoobiya ee dhawrka boqol ee sanno ku jiray cabudhin iyo gumeysi xuquuqdoodii u soo celiyey iyada oo ay qowmiyad waliba maanta leedahay calankeeda, Madaxweynaheeda, barlamaankeeda, afkoodiina ku maamushaan dawlad-deegaannada. Waxaad kaloo geesinimo u yeelatay in aad hirgeliso gooni-isu-taaggii dalka Ereteriya, tallaabadaasi oo culeyskii Itoobiya ee dul saarnaa shacbiga Ereteriya ee tirada yar ka dul qaadday. Ra’iisal-Wasaare, waxaanu kaa codsanaynaa in aad Cabdullaahi Yuusuf ka ilaaliso in uu ciidankaaga u isticmaalo beel Soomaaliyeed. Taasi waxay dhaawici kartaa sumcaddaada waxayna abuuri kartaa colaad iyo cadaawad riiq dheeraata.”

Waan xasuustaa, markii aan hadalkii ka baxay muddo shan daqiiqo aan ka yarayn ayuu aamusnaa oo uu fikir ku maqnaa.

Wuxuu noogu jawaabay:

“Ciidankayga janan Itoobiyaan ah ayaa xukuma. Amar uu Cabdullaahi Yuusuf ka qaadanayaana haba yaraatee ma jirayso. Waxaanan jananka ku amrayaa in uu xidhiidh fiican la yeesho oo uu soo dhoweeyo odayaasha Hawiye.”

Xidhiidhkii ka dhexeeyey madaxda Itoobiya iyo Cabdullaahi Yuusuf wuxu ugu dambayntii isugu biyo-shubtay in ay Cabdullaahi Yuusuf ku khasbaan in uu iska casilo jagada Madaxweyne-nimada, dalkana dibedda uga baxo. Iscasilaaddiisii kadib waxay madaxda Itoobiya u qalqaaliyeen in uu u dhoofo dalka Yemen, magaalada Sanca, halkaas oo uu Madaxweyne Cali Cabdalle Saalax ku siiyey magan-gelyo siyaasadeed.

Mar dambe oo aanu la kulanay madaxda Itoobiya waxay noo markhtaati fureen in warbixintii aanu ka siinay Cabdillaahi Yuusuf ay dhammaanteed sideedii u arkeen. Meles Zenawi, wuxuu ahaa Ra’iisal-Wasaare ku caan baxay in uu oofiyo ama fuliyo wixii uu ballan-qaado. Ballankii uu naga qaaday in aanu Cabdullaahi Yuusuf ciidanka Itoobiya ku isticmaalin Hawiye, sidiisii ayuu u fuliyay.

Cabdullaahi Yuusuf laftiisu buuggiisa Halgan iyo Hadimo (B. 378-379)” wuxu ku qiray sida ay Itoobiya isaga xakamaysay damaciisii. Wuxu yidhi:

“Waxaan u yeeray Kornayl Gabre Ezaber oo ka tirsanaa sirdoonka ciidamada Itoobiya, isla markaasna ahaa xiriiriyaha labada dawladood, waxaan weydiistay in laga dabatago ciidankii maxkamadaha ee baxsadka ahaa si aanay mar labaad meel isugu urursan oo dib weerar u soo qaadin. Sarkaalkii wuxuu igu yiri: ‘Annagu qabiil lama aanu dagaallamayno.’ Run ahaantii aad bay jawaabtaasi ii dhibtay mana garaysan, taas oo aanan marnaba ka malaysanayn. Waxaan ku iri: ‘Kuwii aanu hortii la dagaallamaynay qabiil bay ahaayeen. Waxaad ii sheegtaa in jawaabta aad i siisay aan u garto siyaasadda cusub ee dawladda Itoobiya.’ Iigama jawaabin.

Guddiyadii beelaha Hawiye waxay iska noqotay arrin caadi ah, marka ay wufuud u dirsadaan dalka Itoobiya in loo soo dhaweeyo si dawli ah, loona fududeeyo sidii ay ula kulmi lahaayeen madaxda ugu sarraysa. Koolkoolintii guddigaan maqaarsaarka ah sumcadda loogu samaynayay waxay gaartay in beesha caalamku tiraahdo TFG iyo beesha Hawiye ha wada fariisteen. Itoobiya waxay dhinaceeda ka wadday, una barreertey sidii ay mawqifka beelaha Hawiye ee dawlad-diidka ah ugu samayn lahayd dhidibo adag oo ay siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba ku taageerto.

Ciidamadii Itoobiya oo aanu ka fileynay in ay gacan nagu siiyaan hawlaha faraha badan ee na hor yiil waxay tartiib-tartiib garabmar ugu sameeyeen shaqooyinkii aanu ku heshiinay oo dhan, waxayna xiriir toos ah iyo wada shaqaynba la sameysteen guddiyada beesha Hawiye ee dawlad-diidka ah. Shirqoollada dawladda loo maleegayay waxa kaalin weyn ka qaatay taliska ciidamada Itoobiya, kuwaas oo si dadban isu hortaagayay in lala dagaallamo beelaha Hawiye ee dawlad-diidka ah. Saraakiisha ciidammadaasi waxay gaareen heer ay ciidamadooda amar ku siiyaan in aanay xeryahooda ka bixin, farna u dhaqaajin dagaalka ay dawlad-diidku ku hayaan dawladda TFG-ga. Sidaas oo kale, waxay dagaalka ka hor istaageen ciidankii TFG-da ee aadka u tabobarnaa oo Itoobiya hore loogu soo carbiyay laguna xereeryay aagag gaar ah, amarna ku siiyeen in aanay wax tallaabo ah qaadin. Shirqoolladaasi waxay horseedeen in awooddii TFG-du si xawli ah hoos ugu dhacdo.”

Waa inoo toddobaadka dambe iyo qormo cusub haddii Alle idmo.

Comments

comments