Somaliland: “Bashar Baa La Yahay Oo waa La Khaldamayaa, Laakiin Waa In Aanay Wada-shaqayntu Ruuxda Ka Bixin”

Date:

“ Waxaanu Doonaynayaa Inaanu Isha Ku Soo Jeedino In Dawladnimadeena Iyo Degennaanshaheenu Ay Ku Jiraan Hadba Inta…..”

“Bal Waxaad U Fiirsataan Ummadaha Ay Caddaalad Darradu Ku Habsato Waxaa Dhaca In Sharcigii Gacanta Lagu Qaato Oo Dadku Ay U Qaybsamaan Koox Koox   Dabadeedna Ay Is Gawracaan” –Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee JSL

Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee JSL Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa ka warramay halka ay marayso hawshii dib u habaynta iyo tayaynta  hay’adaha garsoorka ee dalka. Guddoomiyaha Maxakamadda sare oo maalintii shalay hadal ka jeediyey xaflad lagu abaalmarinay masuuliyiinta qaybta ku lahaa isbeddelladii lagu tayaynayay garsoorka Somaliland oo lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaallada Hargeysa waxaa uu sheegay  in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo wanaajinta garoorka iyo caddaalladda Somaliland, waxaana hadalladiisii kamid ahaa “ Had iyo jeer waxaa la yidhaahdaa hal sawir baa u dhigma boqol kelmadood, sidaasi darteed  waxaanu halkan ugu talo galnay in jawaa’is [abaalmarinno] iyo shahaado sharafeedyo lagu siiyo dadkii iyo hay’adihii ka qayb qaatay isbadalkii lagu sameeyey garsoorka dalka si ay niyaddoodu u wanaagsanaato oo ay qaranka ugu shaqeeyaan, muhiimadduna waxaa weeye sida aynu la wada socono caddaaladda iyo garsoorku waa laftadhabarta ummadeed iyo lafdhabarta dawladeed, mar kastoo lagu dadaalo in la helo garsoor iyo caddaalad fiican dawladnimo fiicanna waa la helayaa oo kala dembeyn iyo amni baa la helayaa oo wax waliba way fiicnaanayaan. Waayo caddaaladdu waxa ay dawladnimada u tahay udub dhexaadka ay ku wareegto dawladnimo”. Sidaasi ayuu yidhi garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha maxakamada sare ee JSL. Waxanau intaa ku daray “markaa inaynu dib u habayn ku samayno tayada [quality-ga] caddaaladdu waa shay dhammaanteen inna wada anfacaya. Bal waxaad u fiirsataan adduunyada ummadaha ay caddaalad darradu ku dhacdo waxaa dhaca in sharcigii gacanta lagu qaato oo dadku is laayaan oo koox koox ay u qayb samaan dabadeedna way is gawracaan halkaasi ayaanay dawladnimadii, ummadnimadii iyo wadajirkii meesha kaga baxaan. Markaa waxaanu doonaynayaa in bahdayadan midaysani  inaanu isha ku soo jeedino dawladnimadeena iyo maamul wanaageenna iyo degennaanshaheenu in uu ku jiro inta aynu hadba wanaajino caddaaladdeenna”. Ayuu hadalkiisa ku ladhay guddoomiyuhu. Dhinaca kale waxaa uu sheegay in dib u habaynta iyo tayaynta garsoorku aanay gacan keli ahi wanaajin Karin “Arrinka  kale ee aan xusayaa waxaa weeye in dib u habaynta iyo wanaajinta garsoorku aaanu qof keli ahi qaban Karin ee waxaa lagu qaban karaa wadajir min qofka u hooseeya ee ka tirsan caddaaladda iyo garsoorku illaa qofka u sarreeya, wadajirkaasi haddii uu meesha ka baxo waxba lama qaban karo. Waxaa dhici karta in ra’yiga lagu kala duwanaado oo masuuliyado kala duwan baa la kala leeyahay, bashar baa la yahay oo waa la khaldamayaa laakiin inaanay ruuxda ka bixin wadajiridu ayaa meel lagu gaadhayaa, markaa ta aanu wadnaa waa taas iyo in wadajirku shaqeeyo”. Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay guddoomiyaha maxakamada sare ee JSL Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo maalintii shalay khudbad ka jeediyey munaasibad ay bahda caddaaladdu ku maamuusaysay xubnihii qaybta ka qaatay dib u habaynta garsoorka iyo caddaaladda Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...