Suldaanka Guud Ee Beellaha Somaliland Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Ay Baajiso Shir Siyaasadaysan Oo La Iclaamiyey Qabsoomidiisa
“Immika Waxaa Innaga Maqan Uun Caaqil Ku Meel-Gaadh Ah Oo Ku Sime Ah, Isagana Waxaan Leeyahay Hidaayadda Illaahay Ba Aiska Leh’e Tolkaa U Soo Noqo”
Shirkaas La Iclaamiyey Annagu Waanu Kasoo Horjeednaa, Mana Ogollin, Wax Qabsoomayana Maaha Ee Dawladdu Waa Inay Tallaabo Adag Oo Sharciga Waafaqsan Ka Qaado”
Suldaanka guud ee beellaha Somaliland Suldaan Maxamed suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay tallaabo ka qaado shir dhawaan ay iclaamiyeen qaar kamid ah beesha galbeedka Burco oo ay weheliyaan xubno Koonfurta Hargeysa ahi, kuwaasi oo sheegay in ay qabanayaan shir beelleed lagu midaynayo beellaha Garxajis. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo isaga iyo xubno kale oo madax dhaqameed ahi shalay warbaahinta kula hadleen magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in shirkani siyasadaysan yahay isaga oo hoosta ka xarriiqay in dawladnimadu ay haybad ku leedahay cududdeeda iyo In laga cabsado “Anigu mid uun baan odhanayaaye haybadda dawladnimo waa cabsida, dawlad laga cabsoon waayayna haybad yeelan meyso, laakiin inaynu golahan ka nidhaahno wixii ay xukuumaddu odhan lahayd maaha, waajibna waxa ay ku tahay iyada. Shirarka ay beelluhu qabsanayaanna waa kuwo aan qaarkood loo jeedin siyaasad, beellaha qaarkoodna dee nabad bay haystaannoo iyagaa shirka qabsanaya sidaas darteed shir garxajis baanu qabanaynaa, waxaa ka horreysa dee horta Garxajis intaanu shirin in illeyn reer baynu nahaye aynu shir innagu isugu nimaadno”. Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi, waxana uu intaa ku daray isaga oo la hadlaya qollada iclaamisay qabanqaabada shirkan “ Waxaan Leeyahay hadday nabad ka talinayaan oo ay Garxajis nabad ka dhex dhalinayaan dee horta collaad na dhex taalla annagu ma jirto”. Suldaanka guud ee Beellaha Somaliland waxaa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay tallaabo adag ka qaaddo shirkaas “waxaan leeyahay dawladdu waa inay tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ka qaado [waayo] dadka waxaa jira nimaan cid la tashan oo keligii telis ah, ra’yiguu doonana iska gaadha[sidaasi darteed] cuqaashu waa inay isku duubnaato ee maaha inay ka la tafaraaruqdo, immika waxaa innaga maqan uun caaqil ku meel-gaadh ah oo ku sime ah, isagana waxaan leeyahay tolkaa u soo noqo oo la tasho, hidaayadda Illaahay baa lehe”. Ayuu hadalkiisa ku ladhay suldaanku. “Tan lagu shirayaana waa arrin siyaasadeed, arrinka siyaasadeedna sidaas kuma fulo, sidaas darteedna shirkaas la iclaamiyey annagu waanu ka soo horjeednaa, mana ogollin wax qabsoomayana maaha”.