Somaliland: “Waad Maqleyseen In Dawladdu Oggolaatay Heshiiska Uu Hor-dhiciisu Hadda Bilaabmay, Mucdiisanna Hadda Ayaa La Geli Doonaa”

Date:

“Haddii Khaliif iyo Maamulkiisi Aqbaleen aad baan ugu mahad-naqayaa, una.…” Wasiir Cali Maxamuud Axmed

Wasiirka arrimaha Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Cali-Sandulle), ayaa u mahad-naqayo Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh iyo Kooxda uu hoggaamiyo ee Khaatumo la baxday sida ay u aqbaleen inay wadahadal la furan dowladda Somaliland, isagoo sheegay in wadahadalkaas hordhiciisi bilaabmay, isla markaana mucdiisa maalmaha soo socda la guda-geli doono.  Waxaanay Weftiyo Khaatumo iyo Somaliland ka socdaa ku kulansan yihiin magaalada Caynabo oo wejiga koowaad ee wadahadalku ka furmay. Wasiir Cali-Sandulle waxa uu sheegay Somaliland oo mid noqota oo waxyaabaha dhexdeeda ka jira ka saartaa inay horseedi doonto Somaliland awood leh oo isku duuban. “Runtii anigu waxaan u arkaa inay arrin wanaagsan tahay, waanan soo dhawaynayaa wadahadalkaas. Waxaan u arkaa in ay dantu ku jirto Somaliland in ay isu wada-timaaddo, markaas ayey wax noqonaysaa, markaa ayey Walaalnimadu buuxsamaysaa, inta cidi innaga maqan tahay waa wax innaga maqan, waana meel innaga bannaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cali-Sandulle oo Axaddii shalay u warramay Bulsho TV. Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland oo sii watay hadalkiisa, waxa uu intaas ku daray; “Markaa, inaynu wada gufayno oo la isu yimaaddo, oo hareeraha la wada qabto oo wax la wada qaybsado, haddaynu saami ka cabanayno iyo haddaynu ka cabanayno isku duubnideenna inta-ba markaas, ayay taabbo-galaysaa, aad iyo aad baan u soo dhawaynayaa.” Cali-Sandulle wuxu intaas ku daray oo uu yidhi; “Waad ogtihiin mawqifka ay Xukuumadda Somaliland ka qaadatay, mar walba dib-u-heshiisiin iyo in la isu-yimaaddo marar badan baa lagu dhawaaqay, wakhti badan bay gogosha nabadeed taallay, maanta haddii qoladii kale ee Khaatumo ama Cali Khaliif iyo Maamulkiisi aqbaleen aad iyo aad baan ugu mahad-naqayaa.” “Dowladduna way oggolaatay, waanad maqlayseen dowladdu inay heshiiskaas diyaar u tahay, hordhiciisana wuu bilaabmay, mucdiisiina haddaa la geli doonaa, iyagana imaatinkooda waan uga mahad-celinayaa, Xukuumadda iyo siday u soo dhawaysayna waan uga mahad-celinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cali-Sandulle.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...