Bal ka waran Go’aankii Gudida kuma qanacsani ayuu hadalkiisu daaran yahay. Kuma qasbana inu ku qanco laakiin sharcigu hadii uu ku qanci waayo waddo uu maro ayuu u furay oo waa inu Maxkamadda Sare racfaan uga qaato. In Gudidii uu ogolaa inay garta qaado iyadii dib isugu rogo oo weliba ka been sheegaa waa gef waanu u badheedhay. Hadii aanu ku qancin go’aanka Gudida maxaa u diiday ee ka hor jooga in rafcaan uu ka qaato? Waxa u diiday wuxu ogyahay in uu gardaran tahay oo laga gar joogo markaa waa KIIS ISKA WAAL
Faysal ha waalwaasho oo ha kacaa fadhiisto oo kolba gidaar madaxa ha ku garaaco oo ha moodo inu sharciga ka wayn yahay cadaaladana ka baxsan karo lakiin runtu hortiisa ayay imanaysaa sharcigana ka waynaan maayo cadaaladana kama baxsan karo.
Bal Xisbiga qofkan la baday eega. Bal qofkan noociisana dad Allow eega oo weli qof la mid ah dunida cid ku aragtay ma leedihiin? Kolay aniga waa ii kow noocan Faysal oo kale weli aniga hore iima soo marin qof isaga oo kale ihi. Bal hadaanu cid kale dhegaysanayn isagu inu is dhegaysto miyaanay ahayn? Hadaanu naf kale u tudhayn isagu naftiisa inu u tudho miyaanay ahayn? In waali iyo miyirqab mid uun loogu soo hagaago miyaanay ahayn? Waa yaab iyo yaabka yaabkii!