Somalia: IGAD oo shir gaar ah oo looga hadlaayo arrimaha Maamulka Muqdisho ku qabanaysa

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaga soo qeybgaley shir madaxeedkii 2-aad ee waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, iyo dalalka kale ee Afrika iyo beesha caalamka ay uga arrinsanayeen xasaradda ka aloosan Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan.

Go’aamada ka soo baxay shir madaxeedkan ayaa waxaa ka mid ah in ciidan badbaadiya shacabka la geeyo Suudaanta Koonfureed, in nabadda la dhiirigeliyo, lana xushmeeyo heshiisyada siyaasadeed ee ay gaareen dhinacyada isku haya siyaasadda dalkaasi.

Waxaa sidoo kale madaxda IGAD ay go’aamiyeen in shir madaxeedkooda caadiga ah ee sannadlaha ah bisha soo socota ee September horaanteeda lagu qabto magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa looga hadli doonaa hawlgalka AMISOM, hirgelin doorashooyin loo dhan yahay ay Soomaaliya uga dhici lahaayeen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...