Xukuummadu may sheegin wakhtiga Rasmiga ah ee ay Wada hadaladu furmayaan
Xukuummada Somaliland ayaa maanta si rasmiya u cadeysay inay wada hadal la fureyso Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif Galeydh.
Afhayeen Madaxtooyada Somaliland Cabdiraxmaan Shamax, ayaa sheegay in xukuummadu wada hadal la fureyso Kooxda Uu hogaamiyo Cali Khaliif Galeydh ee Khaatumo.
Afhayeen waxaa uu sheegay inaanu ogeyn wakhtiga rasmiga ah ee wada hadalku bilaabmayo balse ay xukuummadu ku talo jirto inay shirar la gasho maamulka Khaatumo.
“Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland waxay Cadeynaysaa in wada hadal lala furi doono Cali Khaliif Galeydh iyo inta uu hogaamiyaba, sidaasi awgeed arrintan waynu sugeynay in dalkeena iyo ummadeena Somaliland ay midowdo.”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo wareysi khaasa Siiyay Bulsho TV.
Afhayeen Shamax oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu baaq u diray shacabka ku nool Gobolka Saaxil“Reer Saaxil waxaan ugu baaqayaa mashruuca iyo heshiiska ina dhexmaray Dp World ee maamulka dekada Berbera iyo xukuummada Somaliland ay wakiilka ka yihiin inaad soo dhaweysaan”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Shamax.
Marar hore ayay xukuummada Somaliland iyo kooxda Khaatumo sheegeen inay furayaan Wada hadalo, balse wada hadaladaasi waxba kama suuragalin.
Kooxda uu hogaamiyo Cali Khaliif Galeydh ee Khaatumo waxaa ay sheegtaan maamul Goboleedka ka mida Dawlada Federaalka Somaliya iyagoo ku dooda inay xukumaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn balse dawlada Somaliland ayaa dhulkaasi ka talisa maadaama ay ka tirsan yihiin xuduuda Somaliland.