Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe) iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa dhagax-dhigay dhisme cusub oo noqon doona shaybaad (Lap) lagu baadho biyaha magaalada lagu cabbo.

Dhismahan oo laga bineeyey xarunta Wakaaladda Biyaha Hargeysa shalay, kaas oo shaybaadka la dhigayo lagu baadhayo nadaafadda iyo tayadooda oo ay tahay markii ugu horreeyey ee noociisa la keeno dalka, ayaa xaflad loo sameeyey dhagax-dhiggiisa waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Shoome) iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, Guddoomiyaha Guddiga Biyaha ee Wakaaladda Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Madax ka socota Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo qaar ka tirsan masuuliyiin ka tirsan Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis ka hadlay halkaasi, ayaa ka warramay muhiimada uu Shaybaadhkan (Lap) u leeyahay caafimaadka iyo tayada biyaha, “Biyaha Hargeysa yimaadda iyo kuwa faraha badan ee iman doona tayodoodu waa mid aad u fiican, waxa haddana darruuri ah, maadaama ay biyuhu yihiin noloshii waa in la hubiyo halka ay ka soo baxayaan iyo halka ay ku soo dhacayaan ilaa qasabadda guriga ee uu qofku ka cabbaayo,” ayuu yidhi Ibraahim Siyaad, waxaannu intaa ku daray, “Markaa waxa uu qorshahayagu ahaa annaga oo la kaashanayna Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliiland inay Hargeysa yeellato Shaybaadh casri ah, markaa maanta dhagax-dhigayno Shabyaadh (Lap) casri ah oo loo samaynaayo Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxaannu ka koobnaan doonaa dhisme iyo qalabkiisii oo ay naga maalgeliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

Mashruucan faa’iidadiisu noloshu waa biyaha, biyuhuna waa nolosha, kaas oo aannu in badan qorshiisa ku jirnay Ilaahay baa nagu guuleeyey.”

Guddoomiyaha Guddiga Biyaha ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa iyaduna sheegtay inay biyuhu yihiin nolosha, balse ay xambaarsan yihiin waxyaabo badan oo waxyeello u geysta caafimaadka qofka, iyada oo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi, “Sharaf weyn bay ii tahay inaan maanta goob-joog ahaa dhagax-dhigga laabka loo dhisayo Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo aan ku tilmaami karo inay tahay horumar uu dalku gaadhay, mar haddiiba laab noocan oo kale ah la sameeynayo oo ay ku ammaanan yihiin Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo qaranka oo dhan.”

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland Md. Cali Xuseen Ismaaciil (Shoome), ayaa ka warramay muhiimadu uu qaranka u leeyahay Shaybaadhkan (Lap-kan) lagu baadhi doono biyaha oo uu ku tilmaamay horumar weyn dalku ku tallaabsaday.

“Waxaynu dhagax-dhigaynaa laabkii ilaalinta tayada biyaha Hargeysa oo markii ugu horreysay taariikhda Soomaalida laga hadlo tayadda biyaha maaha Somaliland walaa dawladihii hore ayaanay jirin walaa tii Ingiriiska ayaanay jirin. Shaybaadhkani waxa uu ka mid yahay guulaha waaweyn ee qarankeenu gaadhay, iskamayse iman ee dad baa ka soo shaqeeyey maalinba dhagax baa meel la dhigayey xukuumaddan waxay ku sun tahay tii horumarka,” ayuu yidhi Cali Shoombe.

Waxa kale oo uu Wasiirka Qorsheynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Shoome) xusay in aannu Shaybaadhkani ku koobnayn Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo keliya ee iyagana lagu baadhayo Shirkadaha biyaha soo saara,

“Shaybaadhkani (Lap-kani) Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo kaliyaha kuma eeka, laakiin waxaan u sheegayaa qolooyinka biyaha soo saara ee shirkadaha in la baadhi doono laabkan, marka dhismihiisu dhammaado ayaa loo isticmaalayaa la socoshada tayada biyaha si loo hubiyo badbaadada biyaha Hargeysa iyada oo la baadhayo in biyaha aanay la socon khashinnada, bakteeriyada, miridhka biraha iyo maadooyinka kimikada ah; sidaasna lagu hubin doono in dadka gaadhaya hal milyan ee deggan magaalada Hargeysa iyo dadweynaha kale ee Somaliland ay helaan biyo nadiif ah,” ayuu yidhi Wasiir Cali Shoombe.

Geesta kale, Warsaxaafadeed uu Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) ka soo saareen dhagax-dhigga Shaybaadhkan, ayaa lagu faahfaahiyey dhankooda hirgelinta qorshaha shaybaadkan biyaha iyo doorka ay ku leeyihiin, kaas oo u dhignaa sidan:

“Qaybaha kale ee Mashaariicda laga maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee ay fulinayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa ka mid ah:

  1. Dhismaha Nidaamka Biyo Qaybinta xaafadaha Ayax 1 iyo 2 ee Magaalada Hargeysa.
  2. Qodidda 3 ceel biyood oo ku yaalla deegaanka Hora Hadley iyo dhigidda beebab masaafo dhan 6 Km oo ceelasha ku xidhaya Geed Deeble.
  3. Beebab cusub oo la soo iibiyay oo la dhigayo masaafo dhan 23 km oo isku xidhaya Geed Deeble illaa Berkadda Kaydka Biyaha.
  4. Qorshaha biyo qaybinta xaafadaha magaalada Hargeysa.
  5. Dhismaha iyo qalabaynta shaybaadhka tayada biyaha ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa.
  6. Dhismaha 3 ballay oo kobcinaya biyaha Xaraf oo ah kuwa loo gudbiyo xaafadaha Ayaxa 1 & 2.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waa deeq lacageed oo ka taageera Dawaladda Somaliland hirgelinta Qorshaha Horumarinta Somaliland (NDP).

Sanduuqa waxa maalagaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawladda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA) iyo Dawladaha Norway iyo Netherland.”