Somaliland: “Wasiir Maxamuud Xaashow Ciirtaa Dhame Ayaa Ceebtaa Yaqaan,Markii Qoyskaagu Kala Laad Laaday Halkan Illaa South Africa, Waanigii Cigaal Kuu Geeyay, Cudurkii Ku Hayay Ayaad Madaxtooyadda La Gashay”

Date:

Xildh. Siciid Cilmi Rooble Oo Badka Soo Dhigay Tariikh Xumada Maxamuud Xaashi Iyo Sida Uu Bartilmaameedka Uga Dhigtay Ree Berbera

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Golaha wakiiladda Somaliland islamarkaana ka soo jeeda Deegaanka Gobolka Saaxil ayaa ku tiiq tiiqsaday Taariikh uu u soo joogay oo uu ka guntay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,oo ka soo jeeda Deegaanka Bariga Burco,waxa uu Xildhibaan Siciid ku tilmaamay shaqsi qabyaaladu ku mudnayd illaa Wakhtii Dawladii Marxuum Cigaal oo ay Kawada Tirsanaayeen Golihii Wakiiladda ee Wakhtigaasi,isagoo sheegay inuu Cudurkii wakhtigaasi hayay uu hadda la dhex fadhiyo Madaxtooyadda Somaliland,oo aan wanaag laga filan karin,waxa uu ku baanay inuu aqoon fiican u leeyahay Maxamuud Xaashi islamarkaana uu yahay Shaqsi ay Qabyaaladi biyo dhigatay oo uu caado u leeyahay inuu u abtiyo Reer Somaliland,waxa uu uga digay inuu Faro galinta ka daayo Deegaanka Gobolka Saaxil iyo Dekeda Berbera.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo shalay Warbaahinta Kula Hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa ugu horayn Faahin Faahin ka bixiyay aqoonta uu u leeyahay Wasiir Maxamuud Xaashi,waxana uu yidhi“Maxamud Xaashi (Wasiirka Madaxtooyadda) Golaha ayaanu ku wada jiri Jirnay,Nimaan Aqoon badan lahayn Oo Qabyaalad Yaqaana ayuu ahaa,Liis ayuu soo samaystay,Waa ninka odhan jiray ,Intaasi oo Subeer AWAL ah,ayaa Agaasimayaal ah,intaasi oo Subeer Awal ayaa Wasiiro ah,Golaha ayaan fadhiyay Markaa,Horta Ninka Maanta Madaxtooyadda Inoo Joogaa Waa Ninkaa,Waa ninkaasi ku cabaysnaa Qabiil marka horeba,Waxaan idiin sheegayaa Colaadaas markaa horeba Uurka kaga jirtay ayuu madaxtooyadii inoola dhex fadhiistay,Xirsi bilaash ayaan umaagaynay,Nin balaadhan ayuu ahaa,oo wax kala waday,Waxaan idiin sheegayaa shalay Qoryaale ayuu ka hadlayay,Waa xaafadiisii”.
Waxa kale oo uu yidhi “Waxaan u sheegayaa reerkan na haysta,Dawladan Bud-dhigeeda Reer Somaliland-ow Haddaydaan nagaga masuugayn anaga ayaa lahayn,Berbera-na 1991-kii ayaa la wareejiyay,Markii dambena Marxuum Cigaal ayaa 1193-Kii lagu wareejiyay,Waxaa naga jooga Laba kun oo kuuli ah oo Cid walba leh,iyo Maareeye,Hadba Madaxweynaha Dalkan qabsada ayuunbaa Dekedaa maamusha,Intayadaasi Xildhibanadii ayaanu nahay,Mid guri lihi majiro,Ragga ayaa imika soo galay Wasiiro ah oo Nin Waliba Fooq ayuu leeyahay,Maxamuud Xaashaw Adoo Waxaasi oo dhan ku hadlay,Oo Xil ka qaadis keenay,oo uu Hal Cod ku badbaday ayaanu Cigaal ogaysiin Magaaladiisa iyo Dadkiisii in Xilka laga qaadayo,Gobonimada ayaa sidaasi ah,oo Kalsoonida ayaa sidaasi ah”.
Waxa uu ka sheekeeyay sidii uu Isaga iyo Cigaal u dhex dhexaadiyay ee uu iskugu keenay iyo sidii uu uga maslaxay ee uu qoyskiisii oo kala firdhay uga naxay“Markii dambena adiga oo waxaasi ku hadli jiray,oo reerkaaga iyo Adigu aad Illaa South Africa kala laad laadeen,ninkii Ina Cigaal kuu geeyay aniga ayuu ahaa,ee aad markii dambe safarkii illaa aad halkaasi ku tagtay,ninkii ku ambabixiyayn Cigaal ayuu ahaa,Waan kuu sheegaynaa,Ciirtaa dhame ayaa Ceebtaa Yaqaan,Maanta Waxaad u bu’aysaa sidaasi,Shalay shirkaasi waxa uu ka yidhi,Shirarka wanaagsan ee sidan oo kale ah,hada waa Xaafadiisii, Waxaan ku leeyahay Horta Cudurka iska saar Maxamuud Xaashaw,Cudurkiibaad Madaxtooyadda la gashee,Walaahi innaanay taadu kuu soconayn,Reer ayaad Taargat ku tahay,Mana dhacayso ee iska saar Cudurka”.
Waxa uu sheegay inaanay jirin cid uga haboon Ciise Muuse Deegaanka Marsada Berbera waxaanu yidhi“Haddii Berbera Cid kale joogi lahayd Kun Kaantarool ayaad Samaysmi lahaa,Ninka reer Berbera waydinka arkay markaad Dariiqa soo martaan Waa ninkaas madaw ee Gubtay ee Mooyo-Saxad sidaasi leh Gawaadhida,Hadda malab ayaa sidaasi u hor maraya,Waligayo Kumaano shuftay Dariiq,Walaahi,Bilaahi inaanay Beel kale oo reer Somaliland ahi inaanay sidaasi yeesheen,Wixii xitaa aanu ka heli jirnay Dawladii Faqashtii Reer Somaliland ayaa iskugu yimid oo la wareegay,Waxaa nagu hadhay waa Labadaasi kun ee Xambaal ee cid walba leh ee gubtay,marka la yidhaa intaasi ka kac inaan markaa isqarxiyo saw maaha,yaa yeelaya taasi”.
Waxa uu hadalkiisa ku soo koobay “Maxamud Xashi Deegaankii ayaa laga dhamayn kari waayay Batroolkii la sheegayay,Sababtu waa maxay,Shacbiga Habar jeclo ee halkaasi yaalaa Waa gob,Laakiin Dawladii wax u sheegi lahayd sidan oo kale ayaa indho la’aan lagu galay,Waxaan idiin sheegayaa in Berbera Duulaan gaar ah lagu yahay,Airportkii ugu waynaa ayaynu leenahay,Kuwayt ayaa lacag ku bixisay oo dhistay Teerminaalkii,Maxamuud Xaashi markii uu Wasaaradda Duulista ahaa isaga ayaa xidhay,Muxuu u xidhay,Diyaaradaha waa Weyn ee dadkeena Yurub ka keena ayaa ka soo degi kara,Muxuu Airportkii Berberi ku xidhan yahay Hal shaqaale ahi majoogee,Berbera sidaasi ayaa laga rabaa,Wixii halkaasi ka dhaca Xukuumadda ayaa ka masuul ah,Maxamuud Xaashibaana kaw ka ah” ayuu yidhi xildhibaanku.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...