Somaliland: Ex Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka qaybgalay Carwada Jaamacada Somaliland Shacabkana ku dhiirigaliyay Qiimaha Waxbarashada

Date:

Wasiirkii Hore ee madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maalintii shalay si kadis ah u booqday carwada jaamacadaha dalka ku soo bandhigayaan Waxqabadkooda.

Martidii iyo masuuliyiintii ku sugnaa bandhigayaa si wayn usoo dhaweeyay Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aan inta badan lagu arag goobaha ama xafladaha xukuummada soo abaabushay kadib markii bishii November ee sanadkii hore iska casilay jagadii wasiirnimo ee uu ka hayay Xukuummada Madaxwayne Siilaanyo.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo munaasibadaasi warbaahinta kula hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu dhalinyarta ku dhiiri galinayo waxbarashada iyo akhriska si ay ula jaanqaadaan bulshada caalamka.

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaa uu imika ka mid yahay isbahaysiga dimuqraadiyad doonka xisbiga Kulmiye kuwaasi oo wada hadalo kula jiray xisbiyada Mucaaridka ee Waddani iyo Ucid kadib markii ay ka cadhoodeen shirkii golaha dhexe ee lagu doortay Musharaxa Madaxwayne iyo ku xigeenka ee Xisbigaas.

xirsie xirsi xirisie xiris

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...