Somaliland: Dhaawaca Guddoomiyihii TELESOM Ee Laascaanood lagu Toogtay Oo Hargeysa La Keenay

Date:

Dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, ayaa fiidkii hore ee xalay rasaas oodda kaga qaadday guddoomiyihii shirkadda TELESOM ee gobolka Sool Md Cabdirisaaq Axmed Warsame(dhabayaco), waxana ay halkaas ku gaadhsiiyeen dhaawacyo culculus oo halis ah.

Wargeyska HUBAAL oo xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay  guddomiyaha gobolkaasi Sool  Md Mustafe Cabdi Ciise Shiine  ayaa noo xaqiijiyey falkaasi oo uu sheegay in uu maamulka gobolku baadhitaan kuhayo, isla markaana ku daba jiro dablaydii fulisay. .

Sida uu guddoomiye Shiine u sheegay wargeyska Hubaal, waxa ay guddoomiyaha shirkadda TELESOM ay rasaastu ka haleeshay cunaha iyo madaxa, waxana dhaawaciisa loosoo qaaday dhinaca caasimadda Hargeysa, si loogu daaweeyo.

Read More: War Deg deg ah: Maammulihii Shirkadda Telesom Ee Laascaanood Oo La Toogtey

Toogashada guddoomiyaha ayaa wararka laga helayaa waxa ay sheegayaan inay geysteen tiro rag ah oo hubaysnaa, kuwaas oo markii rasaasta ku fureenba goobta ka baxsaday, isla-markaana aan ilaa iyo haatan ku jirin gacanta ciidamada ammaanka sida uu guddoomiye Shiine noo xaqiijiyey.

Xilliga toogashadu dhacaysay, ayuu guddoomiyuhu kasoo baxayey masaajid uu salaadii cishaa’I kusoo tukaday, waxana uu isku dayey inuu u kicitimo guriga uu magaalada ka deggen yahay, balse rasaasta ayaa cuskatay ka hor intii aanu xagga guriga u jihaysanin.

Taliska ciidamada Boolisku wali kama aanu hadlin toogashada Laascaanood ka dhacday oo wakhti dambe oo xalay ahayd dhacday, waxase uu guddoomiye Mustafe Shiine sheegay inay ku daba jiraan kooxda dilka geysatay oo aan wali la aqoonsan cidda ay yihiin.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa si tartartiib ah magaalada Laascaanood uga sii yaraanayey dilalka xilliyada habeenkii ah dhaca oo hore loogu yaqaannay, waxase dilkani muujinayaa inay wali halis xagga ammaanka ahi ka jirto magaalada, iyadoo ciidamo xoog badanina deggen yihiin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...