Saddex Qoddob Oo Ay Saddexda Xisbi Shalay Wada-jir Qalinka Ugu Dugeen Iyo Doorka SONSAF Iyo APD Ku Leeyihiin Qaddiyadaas
Dallada ay ku bahoobeen ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF iyo Akaademiga nabada iyo horumarka Somaliland ayaa si wada jir ah ugu guuleystay xal ka gaadhiska kala fogaanshihii aragtiyaha siyaasadeed ee saddexda xisbi qaran ka kala aaminsanaayeen muranka saami qaybsiga kuraasiga golaha wakiilladda, kuwaas oo shalay xal saddex qoddob ka kooban ku soo afjaray arrintaas. Sida lagu sheegay war-murtiyeed saddex qoddob ka kooban oo ay wada jir u saxeexeen guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran isla markaana ay goob joog ka ahaayeen madaxda SONSAF iyo APD waxaa lagu sheegay in heshiis laga gaadhay saamiqaybsigii kuraasta wakiillada isla markaana ay madaxweynaha u daayeen go’aanka kamaa dembeysta ah ee arrimahaas ku lugta leh. War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiranna waxaa uu u dhignaa sidan:
“ Saddexda xisbi qaran ee Somaliland Ee KULMIYE , WADDANI Iyo UCID oo mudooyinkii ugu danbeeyey lahaa Kulamo ay kaga tashanayaan sidii ay xal ugu heli lahayeen Saami qeybsiga Kursaata golaha wakiilada ayaa waxaa ay maanta go,aamo ka gaadheen. Akadamga nabada iyo Horumarinta iyo saddex xisbi oo arintaasi xalinteeda ku jiray ayaa waxaa ay xisbiyada qaranku sheegen in aanay heynin wax xal ah oo arintaasi lagu xaliyo waxaana ay soo jeediyeen in doorashada golaha wakiilad lagu galo sidii lagu galay sanadkii 2015 waxaana ay soo sareen Go,aamadan.
- In Madaxeynaha Jamhuriyada Somaliland lagu celiyo arinraasi si uu xal kama danbeysa ah uga gaadho isla markaana uu go,aan uga soo saaro
- In Saddexda xisbiba ay go,aankaasi madaxweynuhu soo saray sidiisa u aqbalaaan waxuu noqdaba.
- In akadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland ay ku dabo gasho saddexda xisbi fulinta go,aanka uu madaxweynuhu ka soo saaro.
Heshiiskan waxa saxeexay .
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).
Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe.
Heshiiskan Waxaa goob-joogeyaal ka ahaa
Agaasimaha Fulinta ee APD Maxamed Faarax Xirsi
Agaasimaha Fulinta ee SONSAF Maxamed Axmed Maxamuud (Barwaani)