Somaliland: SONSAF Iyo APD Oo Is-faham Midho-dhal Ah Ku Xalliyey Aragtiyihii Axsaabtu Ka Qabeen Saami-qeybsiga Kuraasta doorashada Wakiillada

Date:

Saddex Qoddob Oo Ay Saddexda Xisbi Shalay Wada-jir Qalinka Ugu Dugeen Iyo Doorka SONSAF Iyo APD Ku Leeyihiin Qaddiyadaas

Dallada ay ku bahoobeen ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF iyo Akaademiga nabada iyo horumarka Somaliland ayaa si wada jir ah ugu guuleystay xal ka gaadhiska kala fogaanshihii aragtiyaha siyaasadeed ee saddexda xisbi qaran  ka kala aaminsanaayeen muranka saami qaybsiga kuraasiga golaha wakiilladda, kuwaas oo shalay xal saddex qoddob ka kooban ku soo afjaray arrintaas. Sida lagu sheegay war-murtiyeed saddex qoddob ka kooban oo ay wada jir u saxeexeen guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran isla markaana ay goob joog ka ahaayeen madaxda SONSAF iyo APD waxaa lagu sheegay in heshiis laga gaadhay saamiqaybsigii kuraasta wakiillada isla markaana ay madaxweynaha u daayeen go’aanka kamaa dembeysta ah ee arrimahaas ku lugta leh. War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiranna waxaa uu u dhignaa sidan:

“ Saddexda xisbi qaran ee Somaliland Ee KULMIYE , WADDANI Iyo UCID  oo mudooyinkii ugu danbeeyey lahaa Kulamo ay kaga tashanayaan sidii ay xal ugu heli lahayeen Saami qeybsiga Kursaata golaha wakiilada ayaa waxaa ay maanta go,aamo  ka gaadheen. Akadamga nabada iyo Horumarinta  iyo saddex  xisbi oo  arintaasi xalinteeda ku jiray ayaa waxaa ay xisbiyada qaranku sheegen in aanay heynin wax xal ah oo arintaasi lagu xaliyo waxaana ay soo jeediyeen in doorashada golaha wakiilad lagu galo sidii lagu galay sanadkii 2015 waxaana ay soo sareen Go,aamadan.

  1. In Madaxeynaha Jamhuriyada Somaliland lagu celiyo arinraasi si uu xal kama danbeysa ah uga gaadho isla markaana uu go,aan uga soo saaro
  2. In Saddexda xisbiba ay go,aankaasi madaxweynuhu soo saray sidiisa u aqbalaaan waxuu noqdaba.
  3. In akadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland ay ku dabo gasho saddexda xisbi fulinta go,aanka uu madaxweynuhu ka soo saaro.

Heshiiskan waxa saxeexay .

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).

Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe.

Heshiiskan Waxaa goob-joogeyaal ka ahaa

Agaasimaha Fulinta ee APD Maxamed Faarax Xirsi

Agaasimaha Fulinta ee SONSAF Maxamed Axmed Maxamuud (Barwaani)

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...