Somaliland: Hoggaamiyeyaasha Saddexda Qaran Oo Kulankii Labaad Bari Ka Yeelanaya Xeer Caqabad Ku Ah Doorashooyinka Ka Dhacaya Somaliland.

Date:

Salaasada Berri waxa mar kale kulmaya Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland (WADDANI, UCID iyo KULMIYE) oo Xarunta Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarka ee Hargeysa kaga wada hadlaya sidii loo furdaamin lahaa isla-markaana xal loogu heli lahaa muranka Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland oo la doonayo in mar la wada qabto Doorashada Madaxtooyada ee loo muddeeyay horaanta Sannadka Dambe, haddii Alle yidhaahdo.

Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee kala ah WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Sabtidii yeeshay kulankoodii koowaad ee ay kaga arrinsanayaan muranka Saami-qaybsiga, laakiin kulankaasi waxa uu ku dhamaaday Natiijo la’aan, inkasta oo la soo Weriyey in Miiska Wada-hadalladan oo ay Mus-dambeed u tahay Akadamiyaddu la soo dhigay Saddex Qodob oo la doonayo inay noqdaan kuwa laga duulayo si xal loogu helo muranka Saami-qaybsiga.

Xogaha Wargeyska Himilo ka soo gaadhay kulanka Saddexda Guddoomiye ka yeesheen Arrintaasi, ayaa sheegaya in la isla soo qaaday Saddex Qodob, kuwaasi oo laba ka mid ahi yihiin:-

  1. In Xeerkii hore Lagu Galo Doorashada Golaha Wakiillada.
  2. In Doorashada Wakiillada dib loo dhigo oo ta Madaxtooyada la soo hor-mariyo iyo Qodob kale.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa hore u ansixiyey in mar la wada qabto Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Somaliland, laakiin waxay la habsaameen inay wax ka beddel iyo kaabis ku sameeyaan Xeerka dib loogu soo dooranayo, maaddaama oo Xeerkii hore loogu doortay ahaa ku meel-gaadh.

Caqabada ugu weyn ee keeni karta in Doorashooyinku mar kale dib u dhacaan ama la kala qaado ayaa ah muranka Saami-qaybsiga oo haddii Xeerkaa Xildhibaannadu hirgelin lahaayeen meesha ka bixi lahaa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...