Somaliland: Maanta Oo Kale Iyo Ficilladii Iyo Hujuunaddii Uu Siilaanyo Kaga Gilgilan Jiray Korodhsiimadii Loo Samayn Jiray Xukuumaddii Daahir Riyaale & Korodhsiimada Labaad Ee La Hadal Hayo

Date:

Madaxweyne Siilaanyo Dib Ma Isku Dhagaystay Khudbadihiisii Layaabka Lahaa Wakhtiyada Dhammaadka Muddo Xileedyadii Rayaale?, Mase Ka Badbaadi Doonaa Inuu Isburiyo Maanta, Inkastoo Korodhsiimadiisii Koowaad Durba Dhammaad Ku Dhawdahay?

Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa mid ka ah Khudbadihii ugu adkaa ee uu jeediyay Madaxweyne Siilaanyo wakhtii uu mucaaridka ahaa oo uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Riyaale uu ku eedaynayay inaanu wakhtigaasi daacad ka ahayn Doorasho xor ah oo dalka ka hirgasho isagoo taasi sabab udhigaya inuu cimriga Dawladiisa uga meeldayayo,oo uu muddo korodhsi ka dhiganayo isagoo sidoo kalena u soo jeediyay inuu dalkii baabiiyay oo Khaati taagan yahay, waxa kale oo uu Khudbadaasi ku faanayaa in ka Mucaarid ahaan ay ka dal jecel yihiin Daahir Riyaale oo ay dhawrayaan Dalka iyo Dadkaba.
Khudbadan oo uu u jeediyay Qurbajoogta Xisbiga Kulmiye ee Ingiriiska ayaa waxa uu si layaableh uga Xog Waramayaa sida ay khaati uga taagan yihiin ee ay uga niyad jabsan yihiin Doorasho xor ah oo xalaal ah oo Dalka ka dhacda,waxa kale oo uu u sheegayaa in Daahir Riyaale Si badheedh ah ugu carigsanayo oo uu Doorashada dib ugu dhigayo,waxa hadaladiisa ka mid ahaa“Maamulka Maanta jira ee uu ka madaxda yahay Daahir Riyaale,Waxaa u dhaqan ah inuu Had iyo Goor doono Marka wakhtiga Doorashadu yimaado inuu inta uu Wax uun abuuro,Helo sabab loogu kordhiyo Mudadii,aanay doorashadii u qabsoomin,Mar walba Waxaanu isku dayaynaa hadaanu nahay Axsaabta Mucaaridka,Inkasta oo aanu sidaa aanu sheegayno aanu nahay Dad Masuuliyad iyo Xilkasnimo Muujinaya oo dalka iyo Dadkaba u tudhaya,oo sidii Taariikhihii imikaba laga waramay aanu mar walba Taasi mudnaanta siinaynay,Haddana waxaanu lahayn marka Wakhtigu kaa dhamaado,Madaxweynaw,Wakhti go’an ayaa lagu doortay,Had iyo Goorna Xilku waxa uu saaran yahay,In Doorasho la qabto,Markaa hadduu isagu noqdo ka ka faa’iidaya inaan doorashadii la qaban,ee ay mar walba ay u sii kordhayso,Sabab uu u qabtaa ma jirto”.
Waxa kale oo hadaladii Siilaanyo ee Wakhtigaasi ka mid ahaa “Maalin dhawayd Taageerayaashayada dibadu way nagu qabsadeen,Waxay yidhaahdeen mar walba marka Daahir Riyaale Loo kordhinayo ee uu dheeraysanayo Maxaad u ogolaataan “Reer Kulmiyaw?”,ee aad u yeeshaan,waxanu nidhi waxanu uyeelnaa,waxaa kaca dadka dalka oo Culimo leh,oo Madax Dhaqameed leh,oo dhaliinyo leh,oo dalka iyo Dadkaba u danaynaya ayaa jira oo badan,Dadkaasi markay na dhex galaan waxay ku taliyaan ayaanu yeelnaa,yaan arinta loo arkin,Dad ama iska boqay ama Fulayaal isdhiibay,ama ka gabaday,ama Tamar waayay yaan loo arkin,intii la odhan lahaa Kursi ayuu ku dagaalamayaa waxaanu is nidhi dadku ha idinla arkeen oo naga baydhiya Waxa kan ha yidhaahdeen”.
Waxa sidoo kale yidhi isagoo hadalkiisa sii wata“Waataa aad imika arkaysaan,Dumarkii Hagbadii Waatii laga dhacay,Carruurta Iskuuladeedii waata suuqa la dhigay ee la iibsaday,Waad ogtihiin Xoolihii keli ahaa ee aan dibada u diri jirnay ee Xiitaa wakhtigii Siyaad Bare la joojin kari waayay in Maanta loo xidhay Nin Carab ah oo ay odayga Heshiiyeen,Birtii Tumaaladu tumi jireen Lawada ururi oo la gad,Xabadi kama taalo,Kaluunkii bada waxba kama yaaliin,dad ajanabi ah oo xaaraan u ugaadhsada ayaa la siiyay”.
Waxa kale oo Khudbadiisaa ka mid ahayd“Mar Alle marka Doorasho Joogto,Waxa dalka la soo galiyaa Lacag cusub oo Horleh,oo la soo daabacaa,lacagtaasi Suuqa ayaa la galiyaa oo Dad footeeya ayaa lagu iibsadaa,oo cod ayaa lagu iibsadaa,wax kale oo banka loo samaystay ma jiro,Waad ogtihiin baanan Barayfat ahi kama furna dalkeena,looma ogola inay dadkii shacbiga ahaa inay baanan furtaan,waxaanu samayn doonaa Ganacsi xor ah oo Xalaal ah oo waxa uu ganacsigu ku kobcaa Dhiirigalinta Shacbiga”.ayaa hadaladii Siilaanyo ka mid ahaa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...