Somaliland: Madaxweyne Silaanyo oo Isugu yeedhay Sadexdda Xisbi Qaran

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, Isagoo ka duulaya in goorwalba, talo qaran lagu waajaho habsami u socodka doorashada xor iyo xalaala oo wakhtigeedii ku qabsoonta, ayaa maanta oo ah 28-06-2016, wuxu isugu yeedhay shir guddoonka aqalka wakiilada Somaliland, iyo hoggaanka seddexda xisbi qaran, waxanay yeesheen shir qaatay laba saacadood oo ku qabsoomay hoolka shirarka ee qasriga madaxtooyada, shirkan oo uu gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, ayaa iyaguna xaadir ku ahaa dhinacyada madaxweynuhu u yeedhay oo si miisaanleh uga soo qaybgalay.

Madaxweynaha ayaa markiiba u qadimay ujeedada yeedhmada oo ahaa hadal kooban waxaanu yidhi “Ugu horreyn, waxaan jecelahay inaan idiinka mahad-naqo sida aad u soo ajiibteen kulankii aan idiinku yeedhay.

Sharaf weyn bay ii tahay in aan maanta idinku soo marti-qaado kulankan muhiimada weyn leh ee dulucdiisu tahay in aynu ka wada-hadalno arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta ka bilaabmi doonta Gobollada Sanaag iyo Sool.

Mudanayaal, sida aad la socotaan waxa inoo qorshaysan inaynu qabano ama meel-marino 27-ka March, 2017-ka doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Sidaa darteed, si aynu u xaqiijino himiladaa qaran waxay inooga baahan tahay talo adag, tabaabulshe iyo tawfiiq.

Madaxweyne ahaan waxa iga go’an in aan suurta-galiyo doorashooyinkaa xiligii loogu talo-galay, Eebbe idamkii.

Hase-yeeshee, waxa inala deris ah xaqiiqdii caqabado ku gedaaman doorashada wakiillada, taas oo salka ku haysa qaybinta kuraasta aqalka cusub.

Mudanayaal,

Haddaba, waxaan idiinku yeedhay in laga yeesho talo midaysan, gaar ahaanna aad wada tashi mug leh ka yeelataan saddexdiina xisbi qaran iyo shir-guddoonka wakiiladu, si xal loogu helo qaybinta kuraasta baarlamaanka.

Ugu dambayn, waxaan idinka rajaynayaa in aad gaadhaan go’aan midaysan oo xal u noqon kara qaybinta kuraasta Golaha Wakiillada, isla markaana wax-tar u ah dalka iyo dadka.

Waxa kale oo aan idinka rajaynayaa in aynu si midaysan uga hawlgalno diiwaangelinta gobollada Sool Iyo Sanaag, oo qarankan ugu fadhida qiimo-weyn oo siyaasadeed.

Gudoomiyeyaasha seddexda xisbi qaran iyo xubnaha shir-guddoonka wakiilada oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay kulanka uu u qabtay, waxanay aaraah tiro badnayd ka soo jeediyey ujeedada Madaxweynuhu ugu yeedhay oo faallooyin badan ay ka bixiyeen sida ugu habboon ee loo hirgelinayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Sool iyo Sanaag, iyo qodobka falanqaynta adag ee ku saabsan saami qaybsiga golaha wakiilada, waxana hadalka masuuliyiintu ku wareegayey, sida loo maaraynayo dhaqaalaha ay u baahan tahay habsocodka diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolada hadhsan.

Qodobka dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha Sool iyo Sanaag ayaa laysla qaatay, in meelaha laga baadhayo dhaqaalahaasi ay ka mid noqoto codsi loo diro, kulamana lagala yeesho dhunacyada Maraykanka iyo Midawga Yurub gaar ahaan Jarmalka oo ah muruq dhaqaale, laguna qaban doono dhawaan shir dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Jarmalka.

Dhinaca kale qodobka intii fadhigu socday qaatay wakhtiga intiisi badnayd wuxu ahaa kan saami qaybsiga golaha wakiilada. Waxaana halkaa laga soo jeediyey warbixin ah in markii gudiga arrimaha gudaha iyo nabadgelyada ee golaha wakiiladu ay sahan ugu baxeen gobolada waa weyn ee dalka lana kulmiyeen waxgaradka iyo odayaasha goboladaasi ay soo baxday in gobol waliba uu aaminsan yahay inuu yahay kan ugu dadka badan, uguna dulman marka la eego tirada ugu jirta golaha wakiilada, taasi oo muujinaysa sida qodobka saami qaybsiga golaha wakiiladu u adag yahay.

Saddexda Xisbi qaran ayaa soo jeediyey inay fadhi danbe ka yeeshaan una talo badsadaan, qodobkaa saami qaybsiga iyaga iyo shir gudoonka wakiilada iyo gudida doorashooyinkuna ay kulmaan sida ugu dhakhsaha badan.

Markii laga soo baxay shirka ayaa waxa warbaahinta la hadlay saddexda gudoomiye ee saddexda xisbi qaran, Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

13438830_992637107516809_92217344613129199_n 13438913_992636754183511_8147769073002966644_n 13501788_992636407516879_798783750399620772_n 13502132_992636817516838_1706477023381459735_n 13507207_992636630850190_4857619889774272520_n 13516375_992636547516865_8132786802540627330_n 13516487_992636480850205_609926388686445932_n 13521863_992637167516803_7985137052874122558_n 13521952_992636374183549_6479952883069046802_n 13522072_992637224183464_617349248486598263_n 13524435_992637254183461_3780038335132958089_n 13537580_992636444183542_1433578549047906289_n 13537588_992636724183514_8969241488600280490_n

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...