Somaliland: Xildhibaanada Gollaha Wakiillada Oo La Filaayo Inay Muddo Kordhinta Xukuumaddu U Samaynayso Dhaafsadaan Ansixinta Heshiiska Hordhaca Ah Ee Horyaala

Date:

Guddoomiye Cirro Iyo Xisbiga WADDANI Oo Tageero U Muujiyay Mashruuca Wareejinta Dekada Berbera.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa tageero u muujiyay heshiiska Sherkada DP Wolrd oo fadhigeedu yahay dalka Imaraadka ay ku samaynayso casriyaynta Marsada Berbera.

Heshiiskan maalgashi oo bishii May, ay magaalada Dubai si hordhac ah ugu kala saxeexdeen Xukuumadda Smaliland iyo DP World, wuxuu tan iyo mudadaas ahaa mid si weyn bulshadu u hadal hayso, iyadoo Xukuumaddu horkeentay Golaha Wakiilada si ay wajibaadkooda uga gutaan, ayaa hadana waxa socday olole kala duwan oo tageero loogu raadinaayo hirgalinta Mashruuca.

Guddoomiye Cirro, ayaa ka hor intii aanay Xukuumaddu Golaha Wakiilada horkeenin hordhaca heshiiska, wuxu kulan gaara la qaatay Madaxweyne Siilaanyo, kulankaas oo uu Madaxweynuhu kaga codsaday inuu ku tageero ka Guddoomiye Xisbi ahaan iyo ka hoggaamiye Gole ahaanba, taas oo uu ka aqbalay Mud. Cabdiraxmaan Cirro Madaxweynaha, sida warar xogogaal ah oo ku dhaw dhaw kulamadaas ay u xaqijiyeen Wargayska Somalilandtoday. Kulan kaas kadib ayuu markale Madaxweynuhu wuxuu iyagoo isu dhan shir la qaatay Shirgudoonka Golaha Wakiilada.

Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Mud. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa tan iyo kulankaas Madaxweynaha waxa laga dareemayay isaga iyo Xisbiga uu hoggaamiyo ee WADANI tageerada aan qarsoodiga ahayn, taas oo uu ku badhi taraayo mashruuca Sherkada DP World ku maal galinayso Dekada Berbera, waxayna tageera Mud. Cirro oo hoggaamiya Xisbiga ugu weyn Mucaaridka Somaliland ay waxba kama jiraan ka dhigtay kacdoonadii iyo diidmooyinkii dadweynaha Gobolka Saaxil qaybo kamid ahi kaga soo horjeedeen mashruuca.

Si kastaba ha ahaate Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa la filaaya inay maanta ansixiyaan hordhaca mashruuca maalgashi ee dhexmaray Somaliland iyo Sherkada DP World, iyadoo Xildhibaanadu la filaayo inay niyad samaan aqlabiyada ku meel marin doonaan, maadaama oo muddo kordhin Xukuumaddu ugu balanqaaday.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...