Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta ee maamulka Puntland Mr. Soo-Cade oo sheegay in aanay u dul qqaadan doonin dhibaatooyin uu sheegay in Somaliland ay ku hayso shacabka gobolka Sool.
Hadalka wasiirka Puntland oo la xidhiidhay rebshaddo ay koox dhallinyarro ah Arbacadii todobaadkii hore ee xuskii 18-ka May ka sameeyeen magaaladda Laascaanood, iyadoo saddeex qof ay ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamadda boolisku ku kala dareerinayeen.
Wasiirka wasaaradda Khayraadka biyaha ee Somaliland Baashe Cali jaamac, ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay wasiirka ka tirsan Puntland hadal macno darro ah, isla markaana uu yahay nin iska hadlay.
Waxaanu wasiirku ku eedeeyay maamulka Puntland in ay iyagu dhibaatooyin joogto ah ku hayaan dadka goboladda Sool iyo Xaysimo, isla markaana ay hadimo u geystaan shacabka taasi oo ay ugu danbaysay dhibaatadii ay ciidamadda Puntland u gaysteen dadku nool magaaladda Taleex.
Wasiir Baashe oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay DAWAN, isagoo ku sugnaa magaalladda Taleex ee xarunta gobolka Xaysimo halkaas oo aysafar shaqo ku joogaan wefti isugu jira xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo uu hogaaminayo wasiirka biyaha.
Baashe Cali Jaamac, oo ka jawaabayay hadalka ka soo yeedhay wasiirka ka tirsan maamulka Puntland waxa uu yidhi
“Hadalka wasiirka warfaafinta ee maamulka Puntland waxaanu kaga jawaabaynaa, Puntland iyaga ayaa dhibaato ku haya shacabka goboladan. Dhibaatadii ay ka gaysteen Taleex ayaa la ogaa, Puntland dhibaato maahee wax wanaag ah uma gaystaan bulshadda. Ninkaa wasiirka ahna nin iska hadlay ayuun baa u arkaa, oo macno darro uu hadalkiisu yahay”.
Dhinaca kale, wasiirku waxa uu ka hadlay u jeedadda socdaalka ay ku joogaan magaaladda Taleex isaga iyo weftiga uu hogaaminayo. Waxaanu yidhi
“Socdaalkaygu wuxuu ahaa markii hore Sool, oo aanu magaaladda Laascaanood kaga qayb galnay xuskii 18-kii May. Xaysimo ama Taleex, waxaanu u nimid waxaa ka dhacday magaaladdan Taleex dhibaato ay roobab duufaano ah u gaysteen dadka, roobabkaasi oo qaaday guryo badan iyo meheraddo, kuwaasi oo waxyeelo weyn u gaystay Biraha Korontadda, iyadoo Laydhku muddooyinkanba aanu u shidnayn magaaladda. Iyo sidoo kale taakulayntii ay gudiga abaaraha heer qaran ee Somaliland u keenan dadkii ay roobabku waxyeeleeyeen, iyadoo $ 4o,000 ay soo gaadhsiiyeen si dadkii ay wax ka baaba’een wax loogu sameeyo”.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in u jeedadda socdaalkoodda Taleex ay ka mid tahay sidii ay u soo dhagax-dhigi lahaayeen mashaariic horumarineed oo ay xukuumadda Somaliland ka fulinayso gobolkaasi, sida dhismaha xarunta gobolka, taliska qaybta iyo xarunta dawladda hoose.
“Dawladdu gobolka Xaysiimo waa tii magacowday oo magaaladda Taleex xarun u tahay, weli lagama samayn xarumihii dawladda, markaa waxaanu u nimid xarumihii dawladda in la dhiso, tii u horaysayna waanu dhagax-dhignaynaa. Waxaananu dhagax dhigi doonaa xaruntii gobolka, taliska qaybta booliska, xarunta dawladda hoose, guriga martida, dhawrkaa mashruuc oo ay dawladda Somaliland Taleex ka hirgelinayso, taana qorshaheeda waanu u nimid iyo in aanu dadka degaanka xogtiisa ogaano, anaguna aanu uga warrano waxyaabaha wadanka ka socda iyagana aanu xaaladooda iyo duruuftoodda ogaano”ayuu yidhi wasiirka biyaha.
Wasiir Baashe, waxa uu intaasi ku daray in ay kulamo is-xog-waraysi ah la yeesheen odayaasha iyo waxgaradka magaaladda Taleex. Wuxuu sheegay in odayaashii ay la kulmeen iyo dadka gobolka Xaysimo ay cabashooyin badan u sheegteen oo la xidhiidha in aanay dawladdu mashaariicda horumarinta gaadhsiinin, hase yeeshee ay hadana yihiin dad aaminsan inay Somaliland ka tirsan yihiin.
Waxaanu yidhi “Kulankaasi waxa uu ku saabsanaa in aanu iyagana xog waraysano, anaguna aanu dawladda warkeeda gaadhsiino qorshena aanu u samayno mashaariicda ay dawladdu doonayso inay ka fuliso gobolka. Iyo in loo soo gurmaday markii ay dhibaatadu ku dhacday oo aan la ilaawin, cidda u soo gurmatayna ay tahay anaga oo ka socona ama metelayna xukuumadda Somaliland.
Iyaguna cabasho ayay sheeganayaan, runtii inkastoo ay cabasho badan sheeganayaan, hadana waa dad aaminsan in ay ka tirsan yihiin Somaliland. Markaa laba shir oo waaweyn ayaanu maanta wadda-gelnay odayaasha waanu wada hadalnay . sida ay wax u socdaana ayaananu u sheegnay”.