Somaliland Oo Ku Tuntuunsatay Laba Tallaabo Oo Taabo-gelinaya Qaranimadeeda

Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa si ka weyn, kana duwan sidii hore ay toddobaadkan muujiyeen inay xidheen cutub hore oo ka mid ah qiyamkooda siyaasiga ah iyo inaanay qaranimadda Somaliland tahay mid aan la suullin karin isla markaana aanu cadowgu tumaatiyi karin.

Waxa Arbacadii toddobaadkii hore Gobollada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan lagu qabtay xaflado loogu dabaal-degayo fantasiyaha sannad guuradda 25-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadda madax-banaanida Somaliland oo ku siman 18-kii May 1991-kii wakhtigaasi oo halgan naf-hur ah oo shacbi ay Somaliland dib ugala soo noqotay qaranimadeedii markii taliskii Siyaad Barre oo 21 sannadood Soomaaliya ku amar ku taagleynayay xididka loo saaray.

Inkasta oo muwaadiniinta ku nool dalka gudihiisu ay muuneeyeen qaranimadooda 25 jirsatay isla markaana ay caalamka u bandhigeen nidarka ay ku mareen inaanay mar dambe dib ugu noqonaynin guri-caskii qodaxda badnaa ee ay ku muteen midowgii ay la galeen Soomaaliya oo ay ku amaanan yihiin in marka laga hadlayo lex-jeclada danta guud ay qaranimadu u tahay mudnaanta koowaad. Waxa xiiso gaar ah leh sida ay u feejigan yihiin ee ay Hay’adaha ammaanka kala shaqeeyaan in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo falal argagixiso doonaysa inay ka jilaan gudaha Somaliland oo lagu sheegi karo jasiirad nabdoon oo ku taalla badweyn duufaanno siyaasadeed iyo colaadeed ka oogan yihiin.

Waxa laga xusay, qaarna laga sii xusi doonaa munaasibadda 18-ka May illaa afartan dal iyo ku dhowaad 70 Magaallo oo daafaha adduunka ku yaalla. Waxaanu adduunka xuskani ka sii socon doonaa illaa horaanta Bisha June ee fooda innagu soo haysa. Haddaba, waxaan bogaadinayaa dedaalka wax ku oolka ah iyo xarakaadka qurbo-joogu sannadkan ka dhigeen adduunka. Waxa u baahan in loo mahad celiyo qurbo jooga iyo wakiilada Somaliland ku leedahay dalalka Yurub iyo afrika. Horyaalka sannadkan ee dabaal-degga qaaday qurbo-jooga Somaliland ee dalka Sweden iyo Ingiriiska, Jabuuti, Kenya iyo qaar kale.

Dhoolo-tuska qurbo-joogu waxay sannadkan qoraallo garnaqsi xambaarsan oo ku wajahan qadiyadda iyo aqoonsiga Somaliland u gudbiyeen madaxda dalalka ay ku dhaqan yihiin ee marti-geliyay. Waxa iyana aan meesha laga saari karin dedaalkii wax ku oolka ahaa ee ay samaysay wasaaradda khaarajiga oo hawl-gelinta qurbo-jooga dusha kala socotay kaalinteeduna ahayd inay ka helaan dhambaaladda ay tahay inay gudbiyaan iyo xafiisyada farriimahan la gaadh siinayay.

Waxa kale oo doorka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo wakaaladda qurbo-jooga oo ah waax ka tirsan laamaheedu ay ku guulaysteen inay isku dubo-rideen oo ay qurbo jooga ku hanuuniyeen inay dedaalkooda mutadawacnimo kaga jibo-keeni karaan oo qudha haddii ay wada jir gacmaha isku qabsadaan.

Sidoo kale waxa iyana xusid mudan in ray’ul caamka Somaliland gudo iyo dibadba ay soo dhaweeyeen heshiiska taariikhiga ee balaadhinta iyo casriyaynta marsadda Berbera, kaasi oo ay kala saxeexdeen xukuumadda Somaliland iyo shirkadda Dubai Port World (DP) oo la gelinayo lacag lagu qadaray $442 Milyan, kaasi oo ah fursad ILAAHAY innoo soo diray ama innagu guuleeyay, sida ay qortay wargeyska Ingiriisiga ah ee ay mataanaha ay yihiin DAWAN ee The Horn Tribune, oo Axadii la soo dhaafay si weyn tooshka ugu iftiimiyay muhiimadda iyo wax ku oolnimadda heshiiskan oo labada dhinac qalinka ku duugeen madal ay joob joog ka ahaayeen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Raysal wasaare ku-xigeenka iyo amiirka imaarada Dubia Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum.

Wargeyska the Horn Tribune waxa uu qormadiisa “Faalladda Wargeyska” ku bal-balaadhiyay sida shacbiga Somaliland loogu baahan yahay inay niyadsami iyo waddaniyad togan ku eegaan heshiiskan oo ay ku sifeeyeen inuu ahaa kii ugu weynaa ee Somaliland ku tallaabsato si ay u beegsato horumar kala duwan. waxa mashruucan horumarineed ku jira in magaalo xeebeeda Berbera laga bineeyo huteel noqonaya nooca loo yaqaano (five star). Waxa kale oo qeyb ka ah qorshahan in la sameeyo jid isku xidhi doona Berbera iyo Itoobiya oo la gaadh siinayo xadka Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan, waxa isna ku jira qorshaha horumarineed in la abuuro goobo badeecadaha la dhigo lagana dhoofiyo (Free Zone).

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa isaguna si mug leh u fasiray heshiiskan oo uu ku dooday inuu abuuri doono fursado shaqo oo aad u badan isla markaana laga dheefi doono illaa 7500 oo shirkadood oo samaysmi doona si hoos loogu dhigo shaqo la’aanta iyo tahriibka sharci darrada ah.

Ku darso oo dawladda Itoobiya oo casriyaynta dekadda Berbera ay u leedahay ahmiyad weyn ayaa heshiiskan ku sifeysay mid muddo dheer la naawilayay oo ay u riyaaqeen.waxay danaynaysaa inay u noqoto marin halbowle ah oo ay badeecadahooda ganacsiga iyo gargaarka kala soo degaan .

Shacbigu waxay iimaansadeen in heshiiskani uu yahay fursad dahabi ah oo aan lagu ciyaari karin, waxase ay xataa kuwii ka soo horjeeday taageereen markii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu sheegay in heshiiskani uu yahay tallaabo hore loogu qaaday horumarinta dalka, waxaanu balan-qaaday in dawladiisu ay deg-deg u horgeyn doonto Golaha Wakiiladda si ay u sharciyeeyaan.

Si kastaba arrintu ha noqotee waxaan Madaxweynaha Somaliland ku bogaadinaynaa inuu jabiyay darbigii weynaa ee Somaliland ka hortaagnaa inay hanato maalgashadeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan maalqabeenadda carabta oo mashaariicda ay bixiyaan ka wax ku oolsan yihiin kuwa qaadhaan-bixiyeyaasha dunida reer galbeedka. Haddaba waxa kaliya ee aynu sugnaa waa in heshiiskan aynu guntiga u xidhanno sidii ay Somaliland dhinaceeda uga soo bixi lahayn fulintiisa (implementation).

 

Comments

comments