Somaliland: Madaxweyne Siilanyo Oo Dalka Dib Ugu Soo Noqday, Ka Dibna Uga Sii Gudbay Isu-Tagga Imaaraadka Carabta + (Sawiro).

Date:

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland,mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa  maanta abbaaro 2:00 Duhurnimo ku soo laabtay dalka, ka dib markii ay soo dhamaysteen ka qaybgalkii caleemo-saarka madaxwaynaha jamhuuriyada Jabuuti mudane Ismaciil Cumar  Geelle, oo ku qabsoontay xarunta dalkaasi ee Jabuuti isla maanta oo Axad ah.

Intii ay ku sugnaayeen Jabuuti, waxay la kulmeen masuuliyiinta  dawladda Jabuuti oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha Dib loo doortay, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka dhex muuqday masuuliyiin ka kala yimid meelo kala duwan oo ka mid ah Africa iyo Caalamka intiisa kale.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa waxa ku soo dhaweeyay madaarka Madaxwayne ku xigeenka jamuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiiro, xildhibaano iyo Taliyayaasha ciidamada oo kala ahaa taliyaha ciidanka qaranka, taliyaha ciidamada Booliska, taliyaha Ciidanka Asluubta iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa ku-xigeenka Duqa Caasimada hargeysa.

Madaxwaynaha iyo waftigii wehelinaayay waxay cabbaar ku nasteen qolka nasashada (VIP) ee Madaarka Egal International Airport.

Nasashada ka dib, Madaxwaynaha iyo waftiga la socda waxay bilaabeen qaybtii labaad ee Safarkooda ee  Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana halkaa ku sugaysay  Diyaarad Khaas ah oo uu u soo diray Madaxwayne ku xigeenka ahna, raysal wasaraha Isu-tagga Imaaraadka Carabta ahna xaakimka Dubai Muxamed Bin Raashid Al-Maktuum.

Safarkan oo la filaayo inuu maalmo qaato, waxa madaxweynaha ku wehelinaayey, Marwada Kowaad ee qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka kulmiye ahna Musharaxa Xisbiga Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane Cali Axmed Cali, iyo Xoghaynta Marwada Sabaax Cali Diiriye, iyadoo ay hore u sii joogeen imaaraadka, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire, iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Mudane Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor).

IMG_7222 IMG_7340 IMG_7420 IMG_7420 IMG_7438 IMG_7433

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...