Somaliland: Ciidanka Qaranka Oo Qabtay Gaadhi Iyo Dirawalkii Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Wararka aanu ka helayno Degmada Widh-widh ayaa sheegaya in Baabuurkii gaarka u ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin cabdulaahi Cumar (Camey) oo la soo Afduubay la keenay Magaaladaasi isla markana ay gacanta ku hayaan Ciidamada Qaranka Somaliland.

Baabuurkan oo ah nooca qaaliga ah ayaa la sheegay in uu soo afduubay Dirawalkii Baabuurkasi u waday madaxweyne Ku-xigeenka isla markana uu la soo galay Somaliland.
Sababta uu Baabuurka u soo afduubay dirawalku ayaa la sheegay in ay tahay ka dib markii uu sheegay in muddo 8 billood ah aanu wax mushar ah la siin.
Somaliland ayaan wali ka hadal baabuurkaasi laga soo afduubay Puntland ee Somaliland la la soo galay.

Comments

comments