Somaliland: Guddoomiye Cirro muxuu ka yidhi Arrinta ka taagan Banka Qoolcadey iyo diwaangalinta Codbixiyayaasha ee ka bilaabmaysa Maroodijeex

Guddoomiyaha Golaha wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xukuumada ugu baaqay in ay si fiican u maamusho arrinta ka taagan Banka Qoolcadey .

Iska hor imaad ayaa shalay ku dhexmaray deegaankaasi ciidamada booliiska Somaliland iyo shacabka ku nool deegaamadaasi kadib markii la isku afgaran waayay riig laga qodayay seeraha bankaas.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu shacabka deegaankaasi ugu baaqay inay ilaaliyaan nabada islamarkaana ka shaqeeyaan xasiloonida.

“Waxaan shacbiga Qoolcadey iyo hareerihiisa ugu baaqayaa guud ahaan in xasiloonida iyo nabada laga wada shaqeeyo, waxaan ugu baaqayaa baaq nabadeed, waxaan xukuumada leeyahay in si masuuliyadi ku jirto arintaasi u maamusho”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cirro waxaa bulshada ku nool gobolka Maroodijeex ugu baaqay inay u diyaar garoobaan diwaangalinta Codbixiyayaasha oo 30  bishan ka bilaabmaysa gobalkan.

“Diwaangalintii waxaa 30 April laga bilaabaya gobolka Maroodijeex, markaa waxaan shacab usoo jeedinayaa inay si fiican isku diwaangaliyaan si ay u helaan xaqooda dastuuriga ah oo ay codeeyaan”ayuu yidhi Cirro.

 

Comments

comments