Amar ka soo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud Ee Somalia ayaa lagu amray wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta in la xiro 35 Website oo afka Soomaaliga lagu qoro.
Amarkan oo uu ku saxiixnaa kusimaha xeer ilaaliyaha Dr Maxamuud Cabdi Xaaji Aadan ayaa si gaar ah loogu xusay shabakada Waagacusub.com ee uu iska leeyahay Budhcad Saxafadeedka la yidhaa Dahir Alsow, iyadoo uu ku eedeeyay kusimaha xeer ilaaliyaha in uu ku kacay falal anshax xumo la xiriira oo uu kula kacay madaxda dalka iyo shaqsiyaad bulshada ku dhex leh sumcad iyo sharaf.
Shabakadaha la amray in la xabino ayaan ku jirin kuwa si gaar ah u taageera ururka Alshabaab ee dowlada ka soo horjeeda. Lama oga sida loo xanibayo shabakadahan oo badankood xarumo ku leh dalalka dibadda.