Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), ayaa ka hadlay aragtidiisa ku saabsan Digreetadii uu Madaxweynuhu ku dhimay Miisaaniyadda Qaranka, waxaanu sheegay in aanu Madaxweynaha xaq u lahayn sharciguna siinayn inuu Miisaaniyadda Qaranka dhimo, wuxuu tilmaamay inuu Madaxweynuhu soo jeedin leeyahay balse aanu go’aan lahayn.
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin baahi hadda taalo sababays in Miisaaniyadda la dhimo, isaga oo arimahan ka hadlayana waxa uu hadalkiisi ku bilaabay “Dastuurka meelna kagama jirto wareegto uu Madaxweynuhu ku maamulo Miisaaniyadda, sharciguna umuu fasixin, qodobka 55-aad ee Dastuurku waxa uu dhigayaa in Golaha Wakiiladu ka doodi karaan, waxna ka bedeli karaan Miisaaniyadda Qaranka, awoodaha sharciga dajintana looma wareejin karo meel kale, sharciguna ma ogola in awoodaha Dastuurku siiyey Golayaasha Barlamaanka in sida la doono loogu takrifalo, oo cid aanu sharcigu u fasixin ku takrifasho,haddii ay noqoto wax ka bedelka Miisaaniyadda Madaxweynuhu soo jeedin buu leeyahay, ee go’aan ma gaadhi karo”.
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), ayaa sheegay in aanay jirin baahi keenaysa in Miisaaniyadda la dhimo waxaanu yidhi “Bishii Afraad baa lagu jiraa, wali kala badhkii Sannadka lama gaadhin, ilaa hadda lama qiimeeyn karo lama odorsayn karo karo in Miisaaniyadda wax is dhimi karaan iyo in kale,bisha lixaad ayaa Miisaaniyadda la odorosi karaa, waxa jira Sanduuqa gurmadka qaranka, sida muuqatana wax looga isticmalay Miisaaniyadda ma jirto,ee Madaxweynuhu wuxuu ahaa dhaqaale yahan dhaqaalaha bartay ee sababta keentay inuu go’aankan soo saaro ma garan karno, laakiin waa sharci daro”.
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) ayaa mar aanu wax ka weydiinay haddii Golaha la hor keeni waayo Digreetadan uu Madaxweynuhu soo saaray ayaa yidhi “Marka hore Madaxweynuhu wuxuu Digreetadan ku socodsiiyey Wasaaradda Maaliyadda,laakiin waa qasab inay Golaha la keeno, haddii la keeni waayana waa sharci daro dhaqan gelinteedu, waxaan ayaan daro weyn ah in sharciga iyo shuruucda dalka lagu takrifalo,laguna tunto, haddii ay noo timaadana waxa aanu ka yeelayno anaga ayaa naqaan.”