Somaliland: Xaaladdii Wasaaradda Warfaafinta Oo Gaadhay In Wasiirkoodii Warfaafintu Shaqaalihiisa Ugu Hanjabo Dil!!, Sababtee Ku Timid?

Waxa Uu Ilaalada Xarunta Ku Amray Ciddii Soo Ag Marta Goobta Uu Yaallo Anteenka Satalite-Ka Tv-ga Qaranku In Ay Toogtaan

Wasiirka Wasaaradda War-faafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani ayaa Ciidamada Ilaalada Wasaaradda Warfaafinta amar buuxa ku siiyey in ay toogtaan oo xabbad ku dhuftaan qofkii soo ag mara ama looga shakiyo inuu ka soo ag dhawaaday goobta uu yaallo Anteenka Tabiyaha ah ee Telefishanka Qaranka Somaliland kadib markii looga shakiyey in ay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddu hore u xumeeyeen agabkaasi.
Dhibaatada Wasaaradda Warfaafinta ayaa sii laban laabantay mudadii uu Wasiirkan cusubi yimid taaso o keentay in uu ku kaco facaa’il halis badan oo keentay in shaqaale-weynaha wasaaraddaasi aad ula yaabban yihiin qaabka ay wasaaraddu u socoto.
Wasiirkan oo ah wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa waxa uu amarkaasi uu siiyey ciidanka ilaaliya wasaaarada isaga oo amar ku bixiyey cida soo ag Marta Qeybta uu yaalo Satellite tvgu in ay toogtaan ciidanku. Dhawr Jeer oo hore ayey aheyd markii ay cilladi ku timid qeybta satellite ee TV-ga taas oo looga shakiyey in ay wax yeelo u geysteen shaqaalaha wasaaraddu taasoo keentay in uu amarkan kagan ee layaabka leh bixiyo. Qaar ka mid ah hawlwadeenada Wasaaradda oo aannu shalay wax ka waydiinnay arrintan ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan balse ay arkayeen shalay iyada oo askari ilaalo ahi ku sugnaa goobta anteenka TV-ga qaranka. Ku dhawaad tobaneeye shaqaale ah oo indho ah ayaa dibadda looga keenay cillad kooban oo haysatay qalab wasaaraddu ku hawl gasho kaasi oo markiiba ay hagaajiyeen ayna sheegeen in aanay cillad weyn ahayn balse dad aan aqoon u lahayni ay xumeeyeen. Lam oga sababta Wasiir Caddaani amarka intaa le’eg u bixiyey isaga oo aan waxba ka qaban kuna guul darraystay in uu xalliyo tabashooyin is biirsaday oo wasaaradda yaalla.

Comments

comments