War Deg Deg Ah” UNHCR oo xaqiijisay in 500 tahriibayaal ah bada ku dhinteen

Hay’ada qaxootiga ee UNHCR ayaa war ay soo saartay Arbacadii shalay ku sheegtay in la xaqiijiyey in dad gaaraya 500 oo tahriibayaal ah ku dhinteen bada u dhaxeysa Afrika iyo Yurub.

Warbixintan ayey hay’ada soo saartay kadib markii ay wareysi la yeelatay 41 kamid ah dadkii kasoo badbaaday shilkan oo lagu hayo wadanka Giriiga.

Shilkan ayaa la sheegay inuu dhacay xili dooni ka timid Liibiya oo siday tahriibayaal gaaraya 100 lagu wareejinayey dooni kale oo weyn oo ka timid dalka Masar oo siday boqolaal tahriibayaal ah. Waxaana la sheegay in doonida weyn ay degtay xili la saarayey tahriibayaasha laga keenay xeebta magaalada Tabruuk ee bariga dalka Liibiya.

Dadka ka badbaaday shilkan ayaa muddo maalmo ah dul sabeenayey bada waxaana la sheegay inay soo qaadeen maraakiib badweynta mareysay iyo doonyo kaluumeysto ah.

Rag lagu qabtay Italy

Dowlada Talyaaniga ayaa markii ugu horeysay arrintan ka hadashay isniintii lasoo dhaafay iyadoo soo xiganeysa xogta uga timid dhanka dowlada Soomaaliya. Arbacadii shalay ayey ciidamada Talyaaniga ay qabteen 4 nin oo u dhashay dalka Masar oo la tuhunsan yahay inay kamid yihiin kooxaha wax tahriibiya.

Sidoo kale dowlada Masar ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Alexandria ku qabtay dad doonayey inay u tahriibaan Yurub.

Shilkaasi ayaa la rumeysan yahay in dhalinyaro ka badan 200 oo kasoo jeeda dalka Soomaaliya ay ku dhinteen, waxaa sidoo kale dadka dhintay ku jira tahriibayaal ka yimid dalal kale ee Afrika sida Itoobiya, Sudan iyo Eritereya.

Comments

comments