Somaliland: Dib U Milicso Khudbad Axmed Siilaanyo Wakhtigii KULMIYE Daahir Rayaale Ku Eedaynayo Dhimashada Tahriibta Iyo Shaqo La’aanta Da’yarta Ku Habsatay

Date:

Sannadood Oo Uu Qasriga Madaxtooyada Fadhiyey Madaxweyne Siilaanyo Waxa Laban Laabmay Dhimashada Tahriibta Iyo Shaqo La’aanta + Akhri Khudbaddan Uu Daahir Rayaale Ku Weerarayo

Wakhti guud ahaan geyiga Somaliland tacsi loo fadhiyo qoysas aad u tiro badan iyo qarankuna ku geeryiyeysan yahay dhallinyaradii labeenta ahayd ee dhawaan ku geeriyootay Badweynta Masar iyo Giriigga u dhaxeeya waxa in badani is waydiinaysaa doorka xukuumadda KULMIYE kaga aaddan wax ka qabashada masiibada tahriibta iyo wakhtigii ay talada dalka raajicinayeen sidii ay uga hadli jireen in aanay is lahayn. Madaxweynaha wakhtigan talada dalka haya Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu wakhtigii ololihiisa ku tiraabi jiray isaga oo xukuumaddii xukunka uga horraysay si ba’an ugu eedayn jiray in aanay qorshe cad ka yeelan dhibaatada tahriibta iyo duruufaha dhallinyarada. Waxa is waydiin leh Axmed Siilaanyo muxuu ka qabtay ammuurtaasi 6 sanadood oo uu fadhiyey qasriga Madaxtooyada Somaliland. Aan dib u milcisanno mid ka mid ah khudbadihii uu Axmed Siilaanyo jeediyey sannadkii 2009 isaga oo wakhtigaasi ahaa Musharrixii Xisbiga KULMIYE ee mucaaridka ahaa. Axmed Siilaanyo oo maanta ah Madaxweynaha dalku waxa uu maalintaasi jeedinayay khudbad uu ku eedaynayo xukuumaddii Daahir Rayaale oo uu kaga hadlayo dhallinyarada badda ku dhammaanaysa iyo sida uu KULMIYE arrintaasi u waajihi karo, waxaana hadaladiisaasi ka mid ahaa khudbaddan oo uu ka jeediyey mar uu safar ku joogay carriga Ingiriiska sidan: “Xisbiga KULMIYE waxa uu u taagan yahay in uu nidaamka dalka ka jiro xaadho oo wax ka badalo. Xisbiga KULMIYE waxa uu diyaar u yahay oo u taagan in uu dalka ka hir galiyo wax la yidhaa Transparency (Bannaan-yaalnimo) waa wax cad oo aan musuq lahayn in uu la yimaaddo. Waxa uu diyaar u yahay Matalan dhinaca dhallinyarada oo ah dadka maanta dalka ugu firfircoon oo ah mustaqbalka dalku sugayo oo markii ay jaamacadii ka soo qalin jabiyeen waxba loo qaban waayay. Dhallinyaradu garoomo ay ku ciyaaraan ma leh, oo goobo lagu dhiirri geliyo ma leh wax alla wax loo qabtay ma jiraan. Waa kuwaa badda isku tuuraya ee aad arkaysaan iyaga oo tarab tarab u dhimanaya ee maalin walba badda ku halligmaya oo ka tallaabaya. Xisbiga KULMIYE muxuu diyaar u yahay inuu xoojiyo tacliinta, waxa uu diyaar u yahay in dhallinyaradaasi shaqo loo sameeyo. Ayaan darro weeyi in markii ay jaamacadihii ka soo baxeen waxba loo qaban waayay”.Hadalkaasi Guddoomiyihii KULMIYE maantana ah Madaxweynaha dalku waxa aan isla akhriyeynaa wadciga tahriibta iyo shaqo la’aanta dhallinyarada ee uu xukuumaddii Rayaale ku eedaynayay sida ay maanta tahay. Muxuu madaxweynuhu hadalkiisaasi ka qabtay maxaase ka qabsoomay ballan qaadkiisaasi hore. Waxa hubaal ah in shaqo la’aanta uu maalintaa ka hadlayay ay maanta ka sii badan tahay. Dhimashada tahriibtuna ay laba jibaarantay wakhtigaasi uu ka hadlayo iyo intii uu xukunka hayay. Xukuumadda KULMIYE ayaa mudadii ay talada haysay ku guul darraysatay in ay qorsheyaal cad oo wax lagaga qabanayo dhibaatadaasi qaran aan mar kali ah la shir iman halka ay magacawday guddiyo fadhiid ah oo aan waxba qaban sida guddida tahriibta oo aan waxba qaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...