Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay markii ugu horeysay shaacisey in la dhisi doono ciidan u gaar ah isla markaana ka hor tagi doona dadka tahriibaya.
Waxaana sidaasi laanta afka somaliga ee idaacada BBC,da u sheegay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici waxana uu yidhi
“Somaliland kamay gaabin wax ka qabashada Tahrbka arintaasina waa arin cid kasta ka yaaban tahay , dadkan mukhalasiinta ah ee dhalinyarada tahriibinaya talaabooyin badan ayaanu ka qaadney qaar badan waanu xidh xidhnay iminkana waxaa noo qorsheysan in ciidan u gaar ah oo dabo gala dadkaas dhalinyarada ka kaxeynaya magaalooyinkan ee magafayaasha ay soomalidu u bixiyeen in aanu u sameyno oo aanu kaga hor tagno in aanay hawlahaasi dib u dhicin” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland.