Somaliland: Muuqaalo Laga Duubay Dhallinyaro Reer Boorama Ah Oo Bahdilaad U Gaystay Calanka Iyo Ciidamada Booliska Oo Waajibkooda Ka Gutay.

Date:

Muuqaalo layaableh oo aad loogu bahdilay Jiritaanka Qaranimadda Somaliland oo laga duubay Kooxo Dhalinyaro reer Boorama ah ayaa shalay lagu baahiyay Baraha Bulshadda ku xidhiidho,waxaana sida la sheegay mid ka mid ah kooxdaasi dhalinyarta ah xabsiga u taxaabay Ciidamada Bilayska Magaalada Boorama iyagoo intii kalena ku daba jira soo qabashadooda ,waxa si weyn bulshada Somaliland wax iskaga waydiisay sababta iyo waxa wakhtigan keenay in Dad Mihnad warbaahineed ku shaqaysanayaa ay muuqaalo noocaasi ah oo kale ah ugu dhiiradeen inay duubaan.

Qaar ka mid ah Shabakadaha Wararka Soo tabiya ee Magaaladda Boorama ka hawlgala oo ay ugu horayso Boramnews ayaa muuqaaladani ku baahiyay Barahooda,waxaanay arintani si weyn uga cadhaysiisay inta badan shacabka Somaliland ee arkay islamarkaana daalacday muuqaaladani oo aad uga fog xaqiiqada islamarkaana muujinaya cadaawada guunka ah ee dad Somaliland ku dhex dhaqani u hayaan Somaliland. Wiil reer Boorama ah oo wariye ah oo markii dambe ciidamada Bilaysku xabsiga dhigeen ayaa muuqaaladani ka soo dhex muuqday,isagoo Dhalinyarani oo reer Boorama ah waydiinaya heesta Calanka Somaliland iyo Soomaaliya,islamarkaana intaa u sii dhaafaya inay kala sheegaan ta ay hayaan ee ay ku heesi karaan,iyagoo dhalinyartaasina ugu jawaabaya hadalo deelqaaf iyo meel ka dhac ku ah Qaranimadda Somaliland,waxa ay qaarkood si jees jeesleh ugu hal celinayaan inaanay Somalilandba aqoon islamarkaana aanay maqal Hees loo sameeyay,iyagoo ku xumayn awgeed waynaynaya Heesta Calanka Soomaaliya.
Waxa ka mid ah Hadalada Lafjabka ah ee wariyahani dhalinayartan ka duubay ee la soo galiyay Baraha Wararka Boorama “Heesta Calanka Soomaaliya Waan garanayaa Laakiin Somaliland inay jirtaba ma anaa u haysta”. Kooxdan dhalinyarta ah ayaa u muuqday qaar la sii diyaariyay waxaanay kuwada jawaabayeen Kalmado isku mid ah oo ah Somaliland ma naqaano,sidoo kale barnaamijkan iyo wariyahan ayaa iyaga laftooduna ahaa qorshe meel kale laga soo diyaariyay oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo Jiritaanka Qaranimada Somaliland. Ciidamada Bilayska Somaliland ee Magaalada Boorama ayaa talaabo Geesinimo leh kaga hortagay Shirqoolkaaasi islamarkaana ninkii Waxaasi bulshada ka duubay Xabsiga dhigay halka ay Ciidamada Baadhisto ku daba jiraan cidii Qorshahani ku lug lahayd oo dhan oo loo malaynayo inay ku jiraan farogalin dibadeed oo hawshani dibada hagaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...