Somaliland: Xildhibaanada Golaha Guurtida Oo Sheegay In Masuulyiinta Baanka Dhexe Ay Shaqadoodii Ku Fashilmeen Uguna Baaqay In Ay Xilalka Iska Casilaan

Fadhigii ay saaka yeesheen xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa waxa ay kaga doodaayeen dhaqalah dalka waxaana ay xildhibaanadu ku eedeeyen masuulyiinta Baanka dhexe in ay shaqadoodii ku fashilmeen isla markaana ay waxba ka qaban kari waayeen  kor u kaca dollarka

Xildhibaanada ayaa waxaa ay masuulyiinta Baanka dhexe ay u soo jeediyen hadii aanay waxba ka qaban karin sicir bararka dalka ka jiran in ay shaqada iska casilaan  balse hadalkaasi mudanayaasha waxaa aad uga xanaaqay uguna jawaabay si ay cadho ka muuqato gudoomiyaha golahaasi Saleebaan  Maxamuud Aadan

Comments

comments