Somaliland: “Walaalayaal Dadkiina Wanaagsan Qiimeeya Oo Bilaash Xayte-yaasha Ha Ku Habsaamina” Sheekh Aadan Siiro

“Sh. Aadan Siiro Oo Khudbadii Jimcaha Ee Shalay Kaga Sheekeeyey Aqoontii Uu U Lahaa Marxuum Khaliif Iyo amuuro kale

“Ninka Innoogu Maskaxda Badan ee Innoogu Raganimada Badani Waa Ninka Ugu Mu’aamaraadka Badan Leh”

“Iyadoo Ay Soo Taagan Yihiin Wadaaddadii, Tujaartii Iyo Kuwii Aqoonta Sheeganayayba Immika Hargeysa Waxaa Ka Jira Hay’ado Ka Shaqeeya In Dhalmada Laga Joojiyo Dumarkeenna”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Aadan-Siiro) ayaa ka hadlay shakhsiyaddii Alla ha u naxariistee Marxuum Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo uu ku tilmamaay dadka faro ku tiriska ah ee wanaagga ku sifaysnaa ee alle ka dhaliyey ummada reer Somalialnd.

“Illaahay haw naxariistee xalay [habeen hore] waxaa geeriyooday Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal, oo aqoontayda markaan ku cabiro kamid ahaa dadka kooban ee u dhashay wadankan Somaliland ee haldoorkooda culimada dhifta ah ee aqoontoodii hore iyo dadka maanta jooga ta lagu hoggaamiyo aqoon badan u lahaa”.

Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Aadan Siiro) Oo khudbadiisii shalay ee salaada jimcaha uu ka jeediyey masjidka Xawaadle ku soo qaatay shakhsiyadii iyo taariikhdii uu lahaa alla ha u naxariistee Marxuum Sheekh Xil. Khaliif Sheekh XAsan Gudaal oo kamid ahaa golaha guurtida Somaliland, kaasi oohabeen hore ku geeriyooday magaallada Hargeysa isla markaana shalay jimcihii aas qaran loogu sameeyey xabaalaha xeedho ee waqooyiga Caasimadda Hargeysa. Sheekh Aadan Siiro isaga oo faahfaahinaya aqoontii uu u lahaa marxuumka waxaa uu intaa ku daray

“Wuxuu ahaa shakhsiyad karti badan, ururin badan, ummada maanta joogtana ee culimo leh, ee ganacsade leh, ee suldaan iyo caaqilba leh ee dadka lagu tilmaamo inay yihiin inta waxna xidha waxna gunuda, wuxuu ahaa marxuumku dadka ugu mudan. Sifooyinka uu Marxuum Sheekh Khaliif lahaa dartood ayaa markii la ii soo sheegay geeridiisa xalay [habeen hore] saddexdii habeennimo waxaan ka diyaariyey geeridiisa khudbad kooban oo aan ku tilmaamayo qofnimadiisii iyo kaalintii uu isaga iyo dadka kale ee lamidka ah ee muslimiinta ahba qiimaha ay islaamka ku leeyihiin taabanaysa.

Waxyaalaha layaabka badanleh ee uu lahaa marxuumku waxaa kamid ahaa markii Hargeysa, laga qaxay dadkii hawdka tegey baan ka mid ahaa ee dadkii markaa u ololaynayay wadanka in la xoreeyo la shaqaynayay. Sheekh Khaliif waxaa uu kamid ahaa dadkii dhifta ahaa ee ku suntanaa halganka, nin caalima ah oo xigmad badan buu ahaa o marka wax laysku qabsado u ila bixiya, kaasi oo mararka qaarkood si sharci ah ugu ilo bixiya, mararka qaarkoodna si caqli iyo xikmadi ku jirto ugu ilo bixiya. Haddii bani aadamku wax ku sifoobo, sifada maanta laga la’yahay culimada, tujaarta, sifada maanta laga la’ yahay inta aqoonta sheegata iyo sifada laga la’ yahayba ummada kuwa maanta hoggaamiya, isagu ehel buu u ahaa”. Ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Waxaanu intaa ku daray isaga oo sii wada tilmaamaha uu marxuumku lahaa iyo kaalinta uu qarankan dhismihisa ku lahaaba

“waxaas maanta aynu hadhsanayno ee dilaal iyo malaal iyotaajirba loo wada xaydan yahay ee nin waliba dhinaciisa goosanayo, wuxuu [Marxuum Sheekh Khaliif] ahaa dadkii Illaahay awoodda u siiyey in uu wada helo, laakiin ka maarmay. Run ahaanna sifooyinkii aan ku arkay intii uu noollaa, maanta kuma hayo inta joogta oo dhan, waana sifada kamaqan maanta inta la doonayo in ay ummada hoggaamiso. Miyaad is leedihiin Sheekh Khaliif gaadhi muuraacin isaga oo maanta boqol jir ku dhintay oo cibaado u ambobaxay”.

Aadan Siiro waxaa uu khudbadiisa shalay kaga warramay muddo nus qarni ku dhaw oo uu ku dhex jiray cilmiga, dhacdooyin la isku qabtay fasirkooda xilli uu ku sugnaa magaalada Xarshin, mas’allooyinkaas oo Marxuum Khaliif uu ku tilmaamay in uu bud dhig u noqday jid bixintooda

“Afartan sannadood muddo ku dhaw ayaan ahaa dadkii cilmiga iskaga dhex jiray, aqoontaydu nooca ay doonto ha ahaatee ee wax ka akhriyey taariikhaha la soo maray wixii lagu soo jabay iyo culimadii khayrka lahayd kuwii hore iyo kuwii dembeba wax ka akhriyey.

Waxaa jirtay mas’allooyin la isku qabtay annagoo Xarshin joogna, magaalladaas oo xilligaas xudun u ahayd bari iyo galbeed la iskaga gudbayo waqtigii halganku socday. Culimo dhawr ah oo ku sugnaa masaajid waqtigaas aan wax ka akhriyi jiray, oo masaajidka ugu weyn magaallada ahaa markaas ayaanu sheikh khaliif ugu yeedhnay dadka si uu dadka uga qanciyo mas’alladaas. Taasoo fasirkeeda ay dadku sideed iyo toban daqiiqo dhagaysanayeen sheikh Khaliif”. Ayuu sheehu yidhi.

waxaa uu Sheekh Aadan Siiro u soo jeediyey tallooyin iyo dardaaran ummada reer Somaliland,

“Waar walaalayaal dadkiina wanaagsan qiimeeya oo kaalmeeya oo bilaash xayte yaasha ha ku habsaamina”. “ Innaga yaa ugu been badan oo ugu warqaad badan oo dadka isku dira oo habeenkii dadka mu’aamaradeeya?. Kaasi waa ka aynu fariidka u naqaano. Ninka innoogu maskaxda badan leh, ee innoogu raganimoda badan leh waa ninka ugu mu’aamaraadka badan leh ee dadka qaybiya ee isku dira ee u kala sheekeeya, kuwaas ayaa aynu u naqaannaa haldoorka marka wax la kala goynayo loo baahan yahay.”.

Gunaanadkii khudbadiisa waxaa uu sheekhu ka digay shirqoollo uu sheegay in ay hay’ado  kamid ah kuwa dalka ku sugani ay ku dabar goynayaan tafiirta

“Immika maanta Hargeysa, hay’ado dhan baa waxay ka shaqeeyaan in dumarkeena dhalmada laga joojiyo, iyadoo ay soo taagan yihiin kuwii aqoonta sheeganayay iyo wadaadadii iyo tujaartiiba, waxa laysku haystaana waa ilmahaas madax madow ee alle innoogu deeqayo oo intaas oo barnaamij oo laga fikiray la yidhaahdaa hay’ad baa waxaas qabanaysa” ayuu yidhi sheekhu.

Comments

comments