USA: Masaajid Ku Yaalla Gobolka Soomaalida Ugu Badan Ku Nool Yihiin Oo Weerrar Lala Beegsaday

Masjidka Daaruf Faaruuq oo ku yaala magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka, ayaa waxaa gaadhay ciidamada faro badan kaddib markii subaxnimadii hore ee Shalay Bam lagu weeraray.

Gaar ahaan Bamkan ayaa ku dhacay xafiiska ama xarunta Sheekh Waliid oo ah Imaamka masjidka, hase-ahaatee lama sheegin cid wax ku noqotay.

Ciidamada ayaa baadhitaan dheeraad ah ku haya Bamka lagu weeraray masjidka iyo sida uu dhacay, ilaa iyo haddana ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha amniga ka soo saareen weerarkan Bamkan.

Tan iyo markii tallada madaxtinimada dalka Mareykanka loo doortay Donald Trump sanadkii hore waxaa dalkaasi ku soo badanayay weerarrada u muuqda islaam naceybka, waxaana sidan oo kale hore weeraro loogu geystay shaqsiyaad iyo xarumo dadka muslimiinta ah ku cibaateystaan, laakiin Weerarkan lagu qaaday Masaajidkan Daarul Faaruuq ayaa noqonaya kii koowaad ee lala beegsado Masaajid ay ku cibaadaystaan Soomaalida ku nool Magaalada Bloomington ee Dalka Maraykanka.

Comments

comments