Somaliland: Deg Deg :- SOLJA Oo Dacwad Ka Dhan Wasiir Waran Cade U Gudbisay Maxkamada

Hogaanka ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maxkamadda Gobolka Maroodi jeex u gudbiyaay Dacwad ka dhana Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cade Dacwadasi oo ah Afduub iyo jidh Dil uu wasiirku iyo Cidamada Ilaaladiisu u Gaystay Wariye Cabdifataax Caarshe oo ka mida warbaahinta ka hawlgasha magalada Hargeysa  .

Gudoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo goordhaweeyd Warbaahinta kula hadalay xaruunta ururkaasi ayaa sheegay inu ay maxkamadu ka aqbashay dacwada loo haysto wasiirka Waran Cade inay bilwdo  waxanu sheegay in dacawadan ay loo gudibiyaay xafiiska dambi baadhista .

Dacwadan ayaa ah tii u horeeysay ee ah ee laga soo gudbiyo masuul ka tiran xukumamada Somaliland .

Comments

comments