Somaliland: Xildhibaan Sheegay In Xukuumadu Ay Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Berbera Ku Wareejinayso DP World, Shirkadaha Horena 6 Bilood Loo Qabtay

Date:

Xukuumada soomaaliland ayaa la sheegay inay wado qorshe ay haamaha kaydka shiidaalka ee magaalada Berbera gacanta ugu galinayso shirkada DP World ee ay dhawaan la soo gashay heshiiska dekeda Berbera.

Sida uu sheegay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland, kaas oo tilmaamay qorshaha  xukuumadu ku doonayso inay haamaha kaydka shiidaalka ee magaalada Berbera ku wareejiso  shirkada DP World ee sodonka sanadood laga kireeyey dekeda magaalada Berbera.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo kahadlayey dood ay mudanayaasha wakiiladu ka yeesheen heshiiska DP World ayaa waxa uu sheegay inay xukuumadu iskugu yeedhay ganacsatadii ay ka kiraysay haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera kuwaas oo ay ku war gelisay inay mudo lix bilood ah kaga baxaan haamaha.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Haamaha kaydka shiidaalka golahani isaga oo u tixraacay sharci, kuna ansixiyey aqbalabiyad aanu madaxweynuhu soo celin Karin inay hadana iska socodsiiyey aynu ognahay, fadeexada ka danbaysay ee iyadana aanay dhagta iyo dhaayaha somaliland midna u adkaysan karin waxa ka mid ahayd inay madaxtooyada mar labaad ugu yeedhay shirkadaha ay sida xaaraanta ugu wareejisay, kuna yidhaahdeen lix bilood gudahood kaga baxa iyada oo lacag adag laga shubay dadka muwaadininiinta ah”

Xildhibaan Qabile oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay cida lagu wareejinayo iyo sababta looga saaray shirkadihii markii hore laga kireeyey haamaha kaydka shiidaalka Berbera waxaanu yidhi ““Waayo Hal Kaa caano badan oo Dp World ah ayaa timid”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...