Somaliland: Xildhibaan Ka Hadlay Xal U Helidda Muranka Deegaannada Woqooyiga Hargeysa Iyo Ceel Garde

Date:

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Muxumed (Xildhibaan Cabdiraxmaan Qawdhan), oo ka tirsan Xildhibaanda Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ku baaqay in hawlihii Guurtidu xaqa u lahayd wax ka qabashadooda in dib loo soo celiyo, hawlahaas oo uu sheegay in ay ka mid yihiin xallinta khilaafyada iyo heshiisiinta Beelaha isku dhaca. Xidlhibaanku waxa uu ku baaqay xal u helidda khilaafaadka deegaannada Woqooyiga Hargeysa iyo Ceel-Garde (Saaxil), waxa aanu shir-guddoonka Guurtida u soo jeediyey in ay fuliyaan go’aannada golaha ka soo baxay, iyo in doorkii goluhu lahaan jiray ay soo celiyaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Qawdhan oo wareysi gaar ah, siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in laga sii hor tago wixii khilaaf ah ee dhibaatada ku noqon kara Doorashooyinka foodda innagu soo haya.

Xildhibaan Qawdhan oo ka hadlaya doorashooyinku soo socda iyo deegaannada muranka lahaanshiyaha ee dhinaca beeluhu ka taagan yahay, waxa uu hadalkiisi ku bilaabay, “Maanta Somaliland waxa la filayaa in daraf ilaa daraf ay doorashadu ka dhacdo, oo deegaan walba oo ka tirsan dalka inay doorashadu ka dhacdo, marka laga reebo lix gobood oo la hakiyey, muranna ka taagan yahay, oo la isku haysto, markaas anigu waxa aan ku talin lahaa inta aan la gaadhin wakhtiga Doorashada in wixii khilaaf ah ee jira la sii dhammeeyo” waxa aanu si gaar ah hoosta uga xariiqay murankii la xidhiidhay dekeddii la qorshaynayey in laga sameeyo Ceel-Garde iyo deegaannada woqooyiga Hargeysa ee muranku ka jiro, “Arinta Ceel Garde iyo Deegaanada la isku haysto ee Waqooyigu waa arimo fog oo xidhiidhsan, oo Beelo salka ku haysa, ee ha la xaliyo, haddii kale dhibaato ayaa ka dhici doonta, oo Golaha Guurtidu waajibkiisii ha ka qaato” ayaa uu yidhi, isaga oo si gaar ah ula hadlayana shir-guddoonka ayaanu intaas ku si idaray, “Shir gudoonkuna wixii go’aan ah ee aanu gaadhno iyo talooyinka aanu soo jeedino sideeda ha u fuliyo, oo ha la dareemo doorka ay Guurtidu ku leedahay xalinta wixii khilaaf ah ee markaas jira iyo ka hor taga khilaafaadka soo socda”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu ka hadlay qaabka ay la tahay in arrintan xal u heliddeda loo geli karo waxa aanu soo jeediyey in Guurtida iyo Xukuumaddu ay iska kaashadaan, xal u helidda deegaannada ay dhibtu ka taagan tahay” Isaga oo xusay in hawshani ay tahay tii Guurtida, “Inta badan waxa dhici jirtay marka ay dhib timaaddo in Golaha Guurtidu ka hawlgeli jiray xallinta hadba wixii dhib ah ee timaada, oo ay ka mid tahay isku dhaca Beelaha, markaas in dib loo soo celiyo hawshaas, oo Guurtidu waajibkeeda ka gudato ayaan ku talin lahaa”.

Xildhibaan Qawdan waxa kale oo uu xukuumadda ugu baaqay in ay wax ka qabato khilaafka ka taagan Ceel-Gerde iyo in ay xorriyaddooda u soo celiso Salaadiinta in muddo ah u xidhan shaqaaqadii ka dhacday goobo cod-bixineed oo woqooyiga ah, xilli la waday hawshii diwaangelinta codbixiyeyaasha, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaa jira ilaa hadda Salaadiin xidhan, mana habboona in salaadiintu iska xidhnadaan, ee waa in sharciga la horkeeno, oo haddii ay dambi leeyihiin la xukumaa, haddii aanay lahayna la sii daaya, oo xoriyadoodii dib loogu soo celiyaa”

Dhinaca kale Xildhibaan Qawdhan waxa uu ammaanay ciidanka booliiska Somaliland, balse waa uu ka hadlay nidaamka ay uga hawlgalaan sugidda ammaanka ee la xidhiidha baadhista gaadiidka waddooyinka maraya, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Marka hore guud ahaan Ciidanka Somaliland sharaf ayaa ay innaga mudan yihiin, laakiin arrin baa jira, arinkaas oo ah in askar Ciidamada Booliska ka tirsani ay baadhan Baabuurta, oo xitaa ku yidhaahda hadba qofka wata, mee liisaankaagii. Xaq waxay u leeyihiin in marka aan la hayn Hay’addii ku shaqada lahayd oo ah Ciidanka Gaadiidka Waddooyinka in ay baadhan. Laakiin baadhitaankaasi (Sharci weydiinta wadayaasha gaadiidka) sharciga ma waafaqsana iyadoo Ciidankii Gaadiidka Waddooyinku dhisan yahay inay baadhitaan sameeyaan, waxaana ku talinayaa in aad loo tayeeyo oo tababar dheeraad ah la siiyo Ciidanka Booliska”

Dhinaca kale waxa uu Xildhibaanku ku baaqay in nabadgalyada la ilaaliyo, oo Shacabku si fiican ammaankooda u ilaashadan, wixii khatar ku ahna ee ay iska qabtaan, xidhiidh wanaagsan oo saaxibtinimo lehna ay wada yeeshaan Booliska, si amaanka loo wado sugo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...