Somaliland: Maamulka Muqdisho Iyo Maamul-Goballeeddada Oo Go’aamiyey Qaabka Ay Ku Xulanayaan Xildhibaanada Somaliland ku Abtirsada

Kulamadii taxanaha ahaa ee ay dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-gobaleeddadeedu kaga arrinsanayeen qaabka ay u dhacayso doorashada sannadkan 2016ka la doonayo in lagu soo doorto madaxweyne iyo golayaal-sharci dejineed oo beddela kuwa imika ee xilkoodii sii dhammaanayo ayaa qaybtiisii u dambeysay ay salaasadii shalay ku soo xidhantay magaalada Muqdsho ee xarunta Soomaaliya.

Kulamadan oo lagu magacaabay Madasha Wadatashiga Qaran, kiisan u dambeeyey oo socday Saddex maalmood, marar badanna ku sigtay in uu burburo kadib markii dhinacyadu ay qodobbada qaar isku mari-waayeen ayaa aakhirkii soo saartay war murtiyeed ka kooban 9 Qodob oo laba qaybood kala ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Habka iyo qaab-dhismeedka doorashadu noqonayso, geeddi-socodka doorashada aqalka sare iyo aqalka hoose ee sharci-dejinta ee ay hadda kadib dawladda Soomaaliya yeelanayso, iyo qodobbo kale.

War-murtiyeedka shirkan ay dhinacyada Soomaaliya kaga arrinsanayeen qaabka doorasho iyo dhismaha dawladnimo ee dalkooda oo uu wargeyska Geeska Afrika nuqul ka mid ah helay waxaa lagu soo daray qodob ka hadlaya qaab ay dhinacyadani isla garteen in ay ku soo xushaan xildhibaannada ay doonayaan in ay ka keenaan Somaliland, oo sida la og yahay 25 sano ka hor qaadatay go’aan madax-bannaani ah, dawlad u gaar ahna dhisatay, sidaa awgeed aanay dawladda Muqdisho u suurtogelayn in ay ka qabato dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ama hawlo la xidhiidha doorshada xildhibaannadu ku imanayaan. Waxase ay xuseen in xubno ku magacownaa madax-dhaqameed oo hadda ka hor ka qayb galay soo xulistii xildhibaannada hadda waqtigoodu sii dhammaanayaa, ay mar kale talo iyo go’aan ku yeelan doonaan qaabka imikana ay u dhacayso xulashadu.

Qodobbada heshiiskan ee ka hadlayey qaabka lagu soo dooranayo xildhibaannada Aqalka hoose ee dawladda Federaalka Soomaaliya ayaana farqad ka mid ah lagu yidhi, “Maadaama oo ay Somaliland ka maqan tahay, ka qaybgalka hannaanka doorashada, xubnaha Aqalka Hoose ee matelaya Somaliland waxa lagu dooraan doonaa goobta ay isku raacaan madax dhaqameedyadii Somaliland ugu jira 135 ka”

In kasta oo aanay dawladda Federaalka Soomaaliya aqoonsanayn qarannimada Somaliland, inta badanna ay dhacdo in siyaasiyiin iyo madax kale oo ka tegey Somaliland ay xilal ka qabtaan dawladdaas ama xildhibaannadooda lagu daro, haddana sida la og yahay caqabaddii ugu weynayd ee burburisay shirarkii wada hadallada ee Somaliland iyo Soomaaliya oo muddo ka socday Turkigu waxa ay ahayd markii dawladda Federaalku ay ergadii dhinaceeda wada hadallada uga qaybgalaysay, ku soo dareen masuuliyiin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, arrintaas oo ay Somaliland ka qaadatay mawqif cad oo diidmo ah.

Xukuumadda Somaliland ayaan iyadu weli ka hadal go’aankeeda ku waajahan in heshiiskan dhinacyada Soomaaliya u dhexeeya qodobbadiisa lagu soo daro.

Kulankan xubnaha aadka uga dhex muuqday waxaa ka mid ahaa Mudane Maxamed Cumar Carte oo ah raysalwasaare ku xigeenka dawladda Federaalka Soomaaliya, dhalasho ahaana ka soo jeeda Somaliland, waxaa iyaguna ka mid ahaa madaxweynaha D.F.S Xasan Sheekh Maxamuud, Afhayeenka baarlamanka, rayalsawaaraha, iyo madaxweynayaasha maamul-goboleeddada Puntland, Jubaland, Koonfur-galbeed iyo Gal-mudug.

Ugu dambayntiin shirkani waxa uu isla qaatay in aan muddo kordhin loo samayn doonin xukuumadda iyo Baarlamanka, oo ay qasab tahay in cid beddelaysa oo doorasho ku timaadda la helo. Dhinaca kalana waxa ay heshiiskooda ku soo dareen qodob ay kaga cabanayaan Kooxda Qaramada Midoobey ee la socoshada Soomaaliya iyo Ereteriya. (Somalia Eritrea Monitoring Group) oo dhowr jeer warbixinaheeda ku xustay musuqa la daadagay masuuliyiinta Soomaalida iyo gal-daloolooyinka dawladda Federaalka soomaaliya, waxa aanay dhinacyada shirkani ku eedeeyeen in guddidani ay beegsato muwaadiniin Soomaaliyeed, isla markaana ay hor-istaagto geeddi-socodka hannaanka dhismaha dawladda.

Comments

comments