Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) , ayaa ka hadlay dilalka bartilmeedka ah ee muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo kordhayey dalka, isla markaana waxuu Bulshada reer Somaliland ku booriyey in aad loo feejignaado, cid alaale cidii khatar ku ah amaankana iska dhex qabtaan.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye (Jaamac Shabeel) ayaa isaga oo u waramayay Wargeyska Geeska Afrika yidhi “Naf walba halka ay ku dhimanayso iyo wakhtiga ay dhimanayso ILLAAHAY baa qoray, waxaana jira dilal dhacay, oo bartimaameed ahaa, markaas in dilalkaasi inagu sii socdaan maaha, ee waa in laga hortaaga, cid walba oo nabadeena iyo xasiloonideena duul ku ah waa in gacanta lagu dhigaa, cida ay doontaba ha ahaate, maxaa yeelay nabada sida aynu ku helnay iyo halganka aynu u soo marnay weynu garnaynaa, cidna u sheegi mayno.
Qofkii qof u dila badheedh, dambiga uu leeyahay weynu ognahay, qofkii la og qorsha dilkaasina dambi la mid ah buu leeyahay, ee qofka inta uu ku hamiyi lahaa inuu qof dilo waxa u wanagsan haddii uu khalad ka galay inuu Sharciga la tiigsado, oo uu soo dacweeye, laakiin maaha inuu qori u isticmaalo”.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo aanu wax ka weydiinay xil ka xayuubinta Guddoomiye ku xigeenkii labaad iyo Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan Tanyanle ayaa sheegay inaanu wax faah faafina ka bixinayn, isla markaana uu ahaa go’aan sharci ah oo gudidu gaadhay waxa aanu si kooban u yidhi, “Ka hadli maayo, waayo waa go’aan sharci oo Guddi gaadhay”