Somaliland: Deg Deg :- Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Ku Dhawaaqey Wakhtiga La Qaban Doono Shir Weynihii Golaha Dhexe

Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxaa uu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey wakhiga la qaban doono shir weynihii golaha dhexe ee xisbigaasi isla markaana lagu dooran doono musharax , musharax ku xigeenka xisbiga , gudida anshaxa iyo hogaanka xisbigaasi

waxaana sidaasi warbaahinta mar dhaweyd u sheegay gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaasi Sabca  waxaana  uu sheegay in la qaban doono shir weynihii Lixaad ee  golaha dhexe ee xisbigaasi taarikhdu marka ay tahay 10.07.2016

Sidoo kale gudoomiyaha golaha dhexe waxaa uu sheegay in aanay jirin wax la yidhaahdo gudi anshax oo xisbiga  uu leeyahay  gudidaasna la dooan doono lana ansiixin doono marka uu shirkani dhaco isla markaana aanay awood u laheyn in ay cid  xisbiga ka saarto

Wakhtigan maanta lagu dhawaaqey in la qaban doono shir weynaha golaha dhexe ee xisbiga UCID ayaa waxaa uu ku soo beegmaya xili uu xisbigaasi ka jiro khilaaf aad u culus

Comments

comments