Somaliland: Oo Digniin U Dirtey Cid Kasta Oo Magaca Somaliland Ku Matesha Kuna Dhex Fadhiisata Shirarka Dalka Somaliya

Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)  ayaa waxaa uu ka hadley moqifka xukuumada Somaliland ee ku waajahan qodobo shalay ka soo baxay shirkii wadatashiga ee dalka Somaliya.

 

Waxaa  uu sheegay wasiir Cadaani in  shirkaasi shalay lagu soo gabo gabeeyey magaalada moqdisho lagu faro galiyey jiritanka iyo qaran nimada Somaliland  sidoo kalana aanay Somaliland  ka mid  aheyn   dalka somaliya muddo rubuc qarni ku dhaw

Dhinaca  kale wasiir Cadaani ayaa waxaa uu digniin u diray cid kasta oo magaca Somaliland ku matesha kuna dhex fadhiisata shirarka Dalka Somaliya

Comments

comments